Madaxweyne Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Muqdisho

deni muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayao ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda federaalka, siyaasiyiin iyo qeybo kamid ah bulshada magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni waxaa Muqdisho uga soo horreeyay cutubyo ka tirsan ciidamada madaxtooyada Puntland, oo loogu talagalay sugida amniga madaxweyanaha iyo wafdigiisa.

Afhayeenka Xukuumadda Puntland Jaamac Dabaraani oo warbaahinta uga warbixiyay safar madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa sheegay in uu la xiiro arrimaha doorashooyinka, uuna ka qeybgalayo shirka maalmaha soo socda furmaya ee looga hadli doono doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here