Madaxweyne Deni oo shaaciyey in ciidamo lagu soo weeraray Xalane, shakina geliyey shirka

madaxweyne siciid deni3

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdillahi Deni ayaa maanta ka hadlay shirka lagu wado inuu ka furmo teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni iyo khilaafka doorashooyinka oo xiligan maraya meel xasaasiya, isaga oo shaaca ka qaaday in ciidamo lagu hareeyey.

Saciid Deni oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in uusan ka war hayn shirka ay beesha caalamku sheegtay inuu bilaabanayo maalinta berri ah, islamarkaana aysan jirin cid kala hadashay arrinta shirkaas, sida uu sheegay.

“Waxaan halkaan nimid kadib markii aan marti-qaad ka helnay beesha caalamka, gaar ahaan James Swan iyo Yamamoto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Federaalka, waxaan mudadii aan joognay wada-hadal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta,” ayuu yiri.

Deni ayaa carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in marka hore xal laga gaaro arrinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaar ah u isticmaalan madaxda u sareysa ee dowladda federaalka ee waqtigooda dhamaaday, ka hor inta aan la aadin heshiis doorasho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xalay dowladda waqtigeedu dhamaaday ay ciidamo hor leh kusoo daabusahy garoonka Aadan Cadde oo uu degan yahay, midaasi oo uu ku tilmaamay inay arrintaas lamid tahay weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore xili ay ku sugnaayeen hutel Ma’ido.

“Maxaa shir laga qeyb-galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuumtay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay lamid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “Muddadii aan joognay (magaalada Muqdisho) dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay ma jirin, waxayna u muujineysa inaysan diyaar u ahayn imaansheheena.”

Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya xili ay maanta beesha caalamka shaacisay in maalinta berri ah uu furmayo shirka doorashada ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, ayada oo sidoo kalena uu Mareykanka ku amray madaxda dowlad goboleedyada inaysan ka bixin magaalada Muqdisho ilaa heshiis laga gaarayo doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here