Madaxweyne Denni oo Somaliland ugu baaqay nabad

siciid deni 182019

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni ayaa uga digey maamulka Somaliland xad gudubka iyo daandaansiga uu ku samaynayo deegaamada Puntland gaar ahaan Sool, Sanaag iyo Cayn.

Madaxweyne Denni ayaa sheegay in Puntland ay nabad ugu baaqayso cidkasta oo wax kala dhexeeyaan wuxuuna sheegay in Somaliland ay u soo bandhigayaan in nabad lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah ee ka dhexeeya.

“Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey , wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa” Ayuu yiri Madaxweyna Puntland.

DAAWO

DENNI

Madaxweyne Deni oo sheegay in Somaliland ay wada-hadal kala galayaan dhulka Puntland ee ay haysato.

Slået op af Puntland Post i Lørdag den 17. august 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here