Madaxweyne Farmaajo oo QM u caddeeyey mowqifka Somalia ee kiiska badda

farmaajo unga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbaddii uu ka jeediyey golaha guud ee QM ku cadeeyey mowqifka Soomaaliya ee muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Farmaajo ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay dooneyso in muranka badda ay xalkiisa gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, oo iminka kiiskaas uu horyaallo.

Waxa uu sheegay in wada-xaajoodyada Kenya ee arrintan ku saabsan ay noqdeen kuwa aan miro dhal ahayn, sidaas darteedna, xalka ugu dambeeya ay tahay inuu noqdo kan maxkamadda.

Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in Soomaaliya ay u hoggaansami doonto go’aan kasta oo ay maxkamadda ka gaarto kiiskan.

Farmaajo ayaa sheegay in kulankii uu habeen hore la yeeshay Uhuru Kenyatta ay isku raaceen in xiriirka labada dal la wanaajiyo, islamarkaana arrinta muranka badda loo daayo maxkamadda ICJ.

Hadalka Farmaajo ayaa yimid ayada oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu khudbaddii uu u jeediyey QM ku sheegay in Kenya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii muranka dhinaca xuduudda badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wada xaajood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here