Madaxweyne Farmaajo oo sabtida la kulmi doona dhammaan xisbiyada dalka

farmaajo2

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in sabtida uu madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilo hogaamiyaasha xisbiyada dalka si uu warbixin uga siiyo xaaladda Soomaaliya.

Xisbiyadaan oo gaaraya ilaa 57 xisbi ayaa lagu balamiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxayna warbixin ka dhageysan doonaan madaxweynaha, sida ay noo xaqiijiyeen xubno sare oo ka tirsan Villa Somalia.

Waxyaabaha laga hadli doono ayaa waxaa ugu horreeyo doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2020-ka iyo nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto markii xiligaasi la gaaro, taasi oo aragti la iska weydaarsan doono.

“Waxaa na balamiyay madaxweynaha Soomaaliya maalinta sabtida ah, ajandaha wali noolama soo gudbin balse waa uun kulankii ugu horeeyay oo looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya” ayuu yiri mid kamid ah guddoomiyaasha xisbiyada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Muqdisho ku qaabilay madasha xisbiyada oo ay kala hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Xisbiyada ay kala hoggaamiyaan Shariif iyo Xasan ayaa ah labada xisbi ee ugu saameynta badan siyaasadda dalka, hase yeeshee madaxweynaha ayaa doonaya inuu la hadlo xisbiyada yar yar ee aan inta badan codkooda la maqal.

Madaxweynaha ayaa u muuqda in uu bilaabay qaabilaadda hogaamiyaasha xisbiyada dalka si looga tala-geliyo xaaladda Soomaaliya, xilli uu sii dhammaanayo muddo xileedkii u harsanaa xukuumadda iyo baarlamanka hadda jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here