Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Ruushka

farmaajo socdaal

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxay dalka Ruushka, halkaasoo uga qeyb galayo shirkii u horeeyay ee u dhaxeeya Ruushka iyo Afrika.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa 23-ka bishan uga qeyb geli doona magaalo xeebeedka Sochi, waxaana shirkaas ka qeyb geli doona Hoggaamiyeyaal ka socda Afrika.

Shirkan ayaa socon doona muddo labo cisho ah, waxaana Madaxweyne Farmaajo inta uu joogo shir doceedyo la yeelan doonaa Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirka Ruushka iyo Afrika.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa farriin u diray Madaxda Afrika, isagoo ku casuumay shirkii u horeeyay ee noociisa ah, isagoo soo dhoweeyay horumarka bulsho, dhaqaale teknooliyad ee ay Afrika ka ciyaareyso Caalamka, isla markaana ay door ka qaadanayaan xoojinta geeddi socodka is dhex galka bulshada ee faa’idada u leh Midowga Afrika iyo Ururada kale ee Gobolka iyo qaaradda oo dhan.

Sanadihii la soo dhaafay, xiriirka dhaqan ahaan ee saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Ruushka iyo Afrika ayaa isa soo tarayay, waxaana labada dhinac u bilowday bog cusub oo xiriir iskaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here