Madaxweyne Lafta-gareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil ka socota IOM

laftagareen iyo iom

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Xafiiskiisa Maanta ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayay Madaxa Hay`adda IOM Bariga iyo Geeska Africa Mohammed Abdiker oo Baydhabo  gaaray.

Kulan ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii Hay’adda IOM u kordhin laheyd Shaqooyinka ay ka wada KGS iyo sidii ay uga waqrabi laheyd Arrimaha barakacayaasha iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa uga mahad celiyey Madaxda Hay’adda Shaqooyinka ay wadaan, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan arrimaha la xiriira barakacayaasha iyo tayeynta Caafimaadka.

Hogaaminayay Madaxa Hay`adda IOM Bariga iyo Geeska Africa Mohammed Abdiker ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahay kordhinta adeegyada Shaqeeya oo ay ka wadaan Koonfur Galbeed,isla markaana ay sigaar ah u wajahayaan dadka barakacayaasha ah ee xilligaan dareemaya qabowga roobka deyrta.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta KG axmed Madoobe Nuunoow Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Ibraahim Maxamed Cabduqaadir Baafo  iyo madax kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here