Madaxweyne Qoor Qoor oo Dhuusamareeb maamul cusub u magacaabay

0
qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa maamul cusub u magacaabay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wareegto kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa Dhuusamareeb loogu magacaabay guddoomiye laba ku xigeen iyo xoghaye.

Guddoomiyaha caasimadda Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqorow oo horay guddoomiye uga soo noqday magaalada Dhuusamareeb sanadihii ay maamuleysay Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Cabdi Xaashi Caroole ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda, halka Cabdixakiin Cabdullahi Warsame loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada degmada Dhuusamareeb.

Xoghayaha degmada ayaa sidoo kale loo magacaabay Cabdicasiis Faarax Aadan, waxaana hey’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug lagu faray wareegtadaan in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo magacaabay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here