Madaxweyne Qoor-Qoor oo magacaabay guddiga qaban-qaabada xafladda caleema saarka

qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa caawa magacaabay guddiga qaban-qaabada xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cudub ee Galmudug.

Guddiga loo magacaabay in ay kasoo shaQeeyaan howshaas ayaa ka kooban 12 xubnood, iyadoo guddoomiye looga dhigay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

Warqadda kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor laguma shaacin waqtiga ay dhaceyso xafladda caleema saarka, isaga iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Guddigan la magacaabay ayaa waajibaadkiisa lagu soo koobay laba qodob oo kala ah:

1 – In ay soo asteeyaan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

2 – In ay dejiyaan qorshaha guud ee caleema saarka iyaga oo kaashanaya Madaxtooyada Galmudug.

Halkan ka aqriso warqadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here