Madaxweynihii hore Kooxda K/cagta Real Madrid oo u geeriyooday Coronavirus

madax real Madrid Lorenzo Sanz

Madaxweynihii hore ee Kooxda kubada cagta Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisa aheyd 76 sano, kaddib markii uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Lorenzo Sanz ayaa Isbitaal loola cararay Talaadadii la soo dhaafay, kaddib markii ay qabatay xumad, waxaana baaritaan lagu sameeyay kaddib lagu ogaaday in laga helay cudurka Coronavirus.

Sanz ayaa ahaa Madaxweynaha Kooxda kubadda cagta Real Madrid sanadihii 1995-2000, waxaana xilliyadaas ay Real Madrid ku guuleysatay labo jeer Koobka Champions League.

Cudurka Coronvirus ayaa adduunka oo dhan si safmar ah ugu faafay, iyadoo uu soo ritay kumanaan ruux, waxaana cudurkan uu sababay in adduunka oo dhan ay hakad geliyaan dhaq dhaqaaqyadii isu socodka duulimaadka, si looga hortago faafida cudurkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here