Malaysiya oo yeelatay raysalwasaare cusub

malaysia pm muhiyyidin yasin

Malaysiya ayaa yeelatay raysal wasaare cusub, wax ka yar hal toddobaad kadib iscasilaadii lama filaanka ahayd ee Mahathir Mohamad taas oo siyaasadaa dalkaasi galay xaalad jahwareer ah.

Muhyiddin Yassin, oo ay taageerayaan xisbigiisi la dagaallaka musuqmaasuqa, waxaa dhaariyay dalkaasi.

Mr Mahathir, waxa uu jiraa da’aadda 94 sano, kaas oo ka mid ahaa siyaasinta ugu muuhimsan dalkani muddoo tobannaan sanadood ah. Laakiin waxaa ku qeexay magacaabidda Mr Muhyiddin mid khiyaamo qaran ah.

Waxa uuna ballan qaaday, inuu baarlamanka dalkaasi cod ka raadsan doono, si uu uga hortago taageerada Muhyiddin.

Mr Mahathir, ayaa ahaa hoggaamiye la doortay kan ugu weyn dunida, kaddib markii uu ku soo noqday xilka 2018, xilligaas oo isbahaysi la samaystay Anwar Ibrahim Mahathir, isaga oo ka adkaaday isbahaysiga talada dalkaas hayey ee lagu magacaabi jirey Barisan Nasional coalition, kaas oo xukunka hayey in kabadan 60 sano.

.
Mr Najiib (bidix) Dr Mahathir (dhexda)

Isaga oo xilligaas hawlgabnimadiisii uu kasoo laabtay si uu ula tartamo, ardaygiisii dhanka siyaasadda, ee Najib Razak.

Guushaa lamafilaanka ahaydna, waxa uu caydhiyey raysalwasaarihii xilligaas Najib Razak, kaas oo xukun dul hoganayo, kaas oo ku saabsan inuu lacag malyamaad ah dalka ka dhacay.

Mr Mahathir ayaa geliyey siyaasadda waddanka jahwareer dhamaadkii usbuucii hore markii uu is casilay, isaga oo jabiyay xulafadii uu la lahaa Mr Anwar.

Laakiin tallaabadaas ayuu dib uga noqday, maadaama Mr Anwar uu markii hore go’aansaday inuu u tartamo raiisel wasaaraha halka Mr Muhyiddin dhisay xulufadiisii.

Xisbiga BN ayaa hoggaanka u hayey siyaasadda dalka Malaysia tan iyo markii dalkaasi uu madaxbaanida ka qaatay Britain sanadkii 1957, balse isbahaysigaan oo bari xoog badnaan jiray ayaa sumcadiisu hoos u dhacday sanadihii u dambeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here