Maleeshiyaad hubeysan oo DIL ka geystay duleedka magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb2

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay saaka kooxo maleeshiyaad ah ka geysteen deegaanka Miiracad hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Maleeshiyada hubeysan oo goobta ka baxsaday ayaa toogasho ku dilay nin shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaasi uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan agagaarka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Sidoo kale dilkaan ayaa daba socda dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaanka Qalaanqalle oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo lagu dilay illaa shan ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale oo isugu jira dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska horjeeda maleeshiyaadka labada dhinac ay ka wadaan halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan dilka saaka ka dhacay deegaanka Miiracad, balse waxaa socda dadaallo lagu qaboojinayo xiidada ka taagan deegaankaasi oo ay wadaan odayaal dhaqameedyo.

Inta badan gobollada Mudug iyo Galgaduud waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleedyo u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo ku wada sugan gobollladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here