Malta: Ra’iisul wasaare is casilaya ka dib xanaaq ka dhashay weriye la dilay

RW Malta Joseph Muscat

Ra’iisul wasaaraha Malta, Joseph Muscat, wuxuu telefishinka qaranka ee dalkaas ka sheegay in sannadka cusub uu xilka ka degayo, iyadoo ay jiraan khilaafaad ka dhashay dilka gabar weriye ahayd.

Wuxuu sheegay in uu xisbigiisa weydiisanayo in ay la yimaadaan qofkii isaga bedeli lahaa 12-ka January ee sannadka soo socda.

Dadka isu soo baxay waxay dalbadeen in ra’iisul wasaaraha uu si degdeg ah isu casilo, taas oo la xiriirtay sida loo baaray dilka Daphne Caruana Galizia.

Xilli ay baareysay musuqmaasuq ka dhex jira ganacsatada iyo siyaasiyiinta dowladda Malta.

Nin ganacsade ah oo lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay saraakiisha dowladda, ayaa sabtidii lagu oogay dacwad ah in uu lug ku lahaa dilka.

Ra’iisul wasaaraha oo sharaxayay sababta uu xilka uga degayo wuxuu sheegay in ay tahay arrin la xiriirto sida loo maamulay baaritaanka dilka: “Go’aannada qaar waa kuwo fiican, halka kuwa kalena wanaagga dartii loo gaaro.”

“Dhamman masuuliyadaha aniga i saaran culeyskooda lama barbardhigi karo xanuunka ay marayaan qoyska gabadha la dilay,” ayuu hadalka ku daray.

Mr Muscat wuxuu xilka hayay lix sano, wuxuuna ku guuleystay laba doorasho oo guulo waaweyn uu ka gaaray. Wuxuu wax ka badalay dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Malta waa dalka ugu yar ee ka mid ah Midowga Yurub.

“Malta waxay u baahan tahay bog cusub in ay bilowdo”, ayuu yiri.

Maxay dibadbaxayasha u dalbanayaan in Muscat uu hadda iscasilo?

Dad badan ayaa ku dibadbaxay caasimadda malta ee Valletta, iyagoo dalbanaya in Mr Muscat uu si degdeg ah xilka uga dego.

Sawirrada madixii shaqaalaha ee xafiiska Muscat oo lagu magacaabo Keith Schembri, oo la sawiran Melvin Theuma, ninka lagu eedeeyay in uu xuddun u yahay dilka Caruana Galizia, ayaa lagu dhejiyay gidaarada iyo albaabada dhismaha.

Dadka waxay sii xanaaqeen markii ganacsade Yorgen Fenech lagu oogay dacwad ah in uu ku lug lahaa dilka, taas oo uu beeniyay.

Mr Fenech waxaa sannadkii la soo dhaafay la ogaaday inuu yahay milkiilaha shirkad qarsoon oo Dubai ka diiwaan gashan oo ka mid ah 17-ka shirkadood ee diiwaanka madow lagu daray xilligii cadeyntii Panama – taas oo ahayd sir weyn oo la fashiliyay 2016-kii oo ku saabsanayd shirkadaha qarsoon ee dhaqaalaha badan haysta.

Waxaa jiro warar sheegaya in lacago qarsoon ay shirkadaas ka helayeen Mr Schembri iyo wasiirka dalxiiska ee Malta, Konrad Mizzi.

A collect photograph from 1989 of Peter and Daphne Caruana Galizia with their sons (L-R) Matthew, Andrew and Paul
Caruana Galizia (sawirkeeda 1989) iyo saeygeeda iyo carruurteeda

Labada ninba waxay xilka iska casileen isbuucii la soo dhaafay, waxayna beeniyeen in dembi ay galeen. Sidoo kale Mr Mizzi wuxuu beeniyay in xiriir ganacsi uu la lahaa Mr Fenech.

Seddax nin oo kale ayaa u xiran eedo ah in ay ku lug lahaayeen dilkii Caruana Galizia, oo gaariga bam loogu xiray.

Weriyaha la dilay qoyskeeda waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha wax badan loo tanaasulay, ayna tahay in uu xilka ka dego maadaama uu “ku fashilmay” in uu tallabo qaado si uu siyaasadda Malta u nadiifiyo, labadii sano ee la soo dhaafay.

Waxay ku doodayan in inta uu xilka hayo uusan jiri doonin baaritaan buuxa oo lagu sameeyo dilkii Caruana Galizia.

Sidoo kale, wasiirka ganacsiga dalkaas, Chris Cardona, ayaa shaqada dib loogu soo celiyay ka dib markii uu isu casilay su’aalo ay booliska weydiiyeen. Wuuna beeniyay in uu wax dembi ah sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here