Mandhera oo dagaal qarka u saaran kadib markii ay galeen ciidan Soomaali ah

gorgor ururka 3aad1

Barasaabka Mandhera Cali Roba ayaa sheegay in ciidamo Soomaali ah ay usoo gudbeen dhankooda, islamarkaana xiisadda ka dhex oogan dowladda federaalka iyo Jubaland ay halis ku hayso.

Cali Roba ayaa sheegay in qabsashada ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Beled-Xaawo ay soo barakicisay ciidamadii Jubaland, kuwaas oo usoo baxsaday, haatanna ku sugan Mandhera.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay ceyrsanayaan wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo isna la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Mandhera.

“Ciidamadii soo cararay waxay usoo gudbeen Kenya, waxayna hadda ku sugan yihiin gudaha Mandhera. Tani waxay halis amni oo weyn ku tahay shacabkeena,” ayuu yiri Cali Roba oo la hadlay golaha Mandhera.

Maamulka Isbitalka weyn ee Mandhera ayaa heegan la geliyey si ay ugu diyaar-garoobaan inay u gurmadaan dhaawacyada, haddii dagaal uu ka dhex qarxo ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka.

“Arrintan kama sii aamusi karno. Inkasta oo aan qadarineyno mowqifka dowladdeena ee ku aadan xiriirka Soomaaliya, haddana ma aqbali karno halista ay wajahayaan shacabkeena. Waxaan dowladda ka dalbaneynaa inay arrintan si wanaagsan iyo deg deg ah ula tacaasho,” ayuu yiri Cali Roba.

Cali Roba ayaa ka digay in Nairobi ay mas’uul ka noqon doonto haddii dhib uu soo gaaro shacabka Mandhera.

“Waxaan ka codsaneynaa dowladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada uga saarto ciidamada Jubaland, si loo nabad-geliyo Mandhera. Xaaladda waa ay sii xumaaneysa, waxaana qarka u saarannahay dagaal weyn oo shacabka waxyeeleeya.”

Hadalka Roba ayaa imanaya ayada oo horey ay u jirtay cabsi laga qabo in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka gudbaan xuduudda, si ay halkaas uga soo qabtaan Cabdirashiid Janan, oo 28-kii Janaayo kasoo baxsaday Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here