Maraykanka oo xubin Al-Shabaab ka tirsan dul dhigay abaalmarin 5 milyan oo dollar ah

wanted jehad serwan mostafa

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ku dhowaaqay abaal-marin 5 milyan oo dollar ah oo lagu bixinayo akhbaar kasta oo hoggaamin karta soo qabashada nin la rumeysan yahay inuu yahay muwaadinka Mareykanka ee ugu darajada sarreeya ee ka tirsan ururo argagixiso oo caalami ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Jehad Serwan Mostafa oo 37 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado ku saabsan inuu taageero siiyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Mostafa ayaa waxaa loo haystaa dambiyo uu gaystay intii uu dhaxesyay 2008 ilaa 2017, waxaana la rumeysan yahay inuu iminka kaalin mug leh ka qaato qorsheynta howl-gallada Al-Shabaab ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Dacwad oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa sheegay in Mostafa uu ku dhashay gobolka Wisconsin, hase yeeshee uu ku bar-baaray xaafadda Serra Mesa ee magaalada San Diego ee gobolka California.

Waxa uu Mareykanka ka tagay sanaddii 2005, isaga oo aaday Yemen kadibna uga sii gudbay Somalia, sida uu sheegay Scott Brunner, oo ah madaxa FBI-da Mareykanka ee qeybta San Diego. Mostafa ayaa kadib waqti aan la shaacin ku biiray kooxda Al-Shabaab.

Mostafa waxaa la rumeysan yahay inuu ka qeyb galay weeraro argagixiso, uu tababaray dagaal-yahanno, islamarkaana uu nqoday afhayeen Al-Shabaab.

Muuqaallo Video ayaa muujiyey isaga oo wejiga duubtay islamarkaana shir jaraa’id ku qabanaya xero ku taalla Soomaaliya, halkaasi oo uu ka aqriyey bayaan lagu xusuusanayey Osama Bin Laden.

Erin Westfall oo ka tirsan FBI-da ayaa sheegtay in la rumeysan yahay in Mostafa uu iminka ku sugan yahay koonfurta Soomaaliya, halkaas oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin, inkasta oo aan la garaneyn goobta rasmiga ah ee uu joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here