Mareykanka oo digay weerar nooc cusub ah oo Al-Shabaab ay qorsheyneyso

US embassay

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin cusub oo ay diyaaradaha laga leeyahay dalkaas ugu sheegeyso inuu jiro weerar ka dhici kara hawada dalka Kenya, oo lala beegsado diyaaradaha, kaasi oo nooqan kara weerarkii ugu horreeyey ee noociisa ah oo ay kooxdan fuliso.

Digniintan, ayaa Maamulka Socdaalka ee Federaalka Mareykanka ee FAA waxay ugu baaqday dhammaan diyaaradaha ka diiwaan gashan dalka Mareykanka inay aad u taxaddaraan marka ay dul marayaan hawada Kenya.

“Waxaa duuliyayaasha lagula talinayaa inay aad u taxaddaraan marka ay dul-marayaan hawada Kenya, sababo la xiriiro dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan mintidiinta xagjirka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay FAA.

FAA ayaa sidoo kale diyaaradaha ka codsatay inay soo weriyaan dhacdo kasta oo amni oo ka dhacday haweada Kenya, 72 saac ka hor inta aysan u duulan, si go’aan looga gaaro.

Al-Shabaab weligeed weerar ama gantaal lama beegsan diyaaradaha rakaabka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay qorshe noocaas ah waddo iminka.

Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordheyso cabsida laga qabo weeraro xooggan oo Al-Shabaab ee ka fuliso gudaha dalka Kenya.

Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa 27-kii bishan soo saartay digniin xooggan uu ku saabsan weerar ay kooxaha argagixisiada qorsheynayaan oo lala beegsanayo hotel weyn oo ku yaalla Nairobi.

“Weli lama ogaan hotel-ka weerarka lala damacan yahay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu yahay hotel caan ah oo ay ku badan yihiin dalxiisayaasha iyo dadka safarada ganacsi ku socda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda.

Safaaradda ayaa ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah marka ay tagayaan ama joogaan hoteellada ku yaalla Nairobi.

Al-Shabaab ayaa 5-tii Janaayo weerartay saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen askari iyo laba qandaraasle oo Mareykan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here