Mareykanka oo duqeeyey meelo ay Shabaab isku urursanayeen

AlShabaab drone

 Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay shan duqeymood oo ka dhan ah Al-Shabaab ka gaysatay meel u dhaw Janaale, intii u dhaxaysay Maarso 16-17, si looga hortago in kooxdaas ay dib usoo weerarto magaalada.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Africom ayaa lagu sheegay in duqaynta lala beegsaday Al-Shabaab xilli ay isku soo urursanayeen, dhaqdhaqaaqyana ka wadeen goobta hawlgalka ay ka wadaan ciidamada ay horseedka ka yihiin kuwa Soomaalida.

Africom ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Mareykanka ay deegaankaas ku sugnaayeen markii duqaynta ay dhacday iyaga oo talo iyo taageero u fidinaayey ciidamada Soomaalida ee halkaas qabsaday dhowaan.

Mareykanku waxa uu sheegay in duqaynta iskaashi lagala sameeyey hawlgalka Amisom iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo degaankaas hawlgal ka wada.

Africom waxay sheegtay inaan cid rayid ah waxba ku noqon duqaymahan.

Ciidamada dowladda ayaa Isniintii qabsaday magaalada Janaale kadib dagaal ay kula galeen Al-Shabaab, oo halkaas maamulayey dhowr sano.

Janaale ayaa afartii sano u dambeysay ay ka talinayeen Al-Shabaab. 1-dii bishii September ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax weyn ay ku qaadeen saldhigga Ciidanka AMISOM, waxaana weerarkaas lagu dilay askar ka tirsan Ciidanka Uganda, weerarkaas wixii ka dambeeya oo khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay Ciidanka AMISOM ayay bilaabeen inay isaga baxaan.

Al-Shabaab weli ma aysan ka hadlin qabshada Ciidamada Dowladda ee Magaalada Janaale, waxaana laga cabsi qabaa inay qorsheenayaan weeraro ku dhufo oo dhaqaaq ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here