Mareykanka oo ka hadlay weerarkii saldhigga Lamu oo diyaarado looga gubay

lamu weerar alshabaab2

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa war ka soo saaray weerarkii xooganaa ee saaka aroortii hore lagu qaaday saldhiga Lamu oo ay si wadajir ah uga howlgalayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa dowladda Kenya.

Africom ayaa ugu horreyn xaqiijisay in weerarkaan ay Al-Shabaab la bartilmaameedsatay saldhig ay ku lahaayeen gobolka Lamu ee dalkaasi Kenya.

Qoraalka ka soo baxay Africom laguma sheegin khasaare ka dhashay weerarkaan oo uu xigay dagaal dhex maray ciidanka saldhigga joogay iyo ragga weerarka qaaday.

Dhinaca kale wakaaladda wararka ee AP ayaa baahisay in weerarka uu geystay khasaare xoogan oo soo kala gaaray labada dhinac iyo saldhigga lagu dagaalamay.

AP oo soo xiganeysa saraakiil Boolis ah ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo nooca dagaalka ah oo labo Mareykanku lahaa, midna Kenya lagu burburiyey halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in la gubay diyaarad kale oo nooca qumaatiga u kaca iyo gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidanka Mareykanka ee joogay saldhigga.

Weerarkaani oo ay sheegatay Al-Shabaab ayaa waxay baahisay inay la wareegtay qeyb ka mid ah saldhigga Simba oo ay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here