Mareykanka oo qirtay in askar looga dilay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhiga Manda Bay

us africom

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in saddex qof oo Mareykan ah lagu dilay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in saddexda qof ee la dilay ay ka kooban yahay hal askari iyo laba qandaraasle, oo laa shaqeynayey wasaaradda gaashaandhigga.

Waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay laba askari oo kale oo Mareykan ah, oo xaaladdooda ay hadda wanaagsantahay, sida lagu sheegay bayaanka AFRICOM.

AFRICOM waxay sheegtay in magacyada askart la dilay iyo kuwa dhaawaca ah lagu shaacin doono qoraal kale oo dib laga soo saari doono.

AFRICOM ayaa wacad ku martay inay baacsan doonto xubnaha Al-Shabaab ee ka mas’uulka ah weerarkan khasarahan gaystay.

Dhimashada saddexda qof ee Mareykanka ah ayaa weerarkan ka dhigeysa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ay la beegsato ciidamada Mareykanka ee Bariga Africa.

Dhinaca kale, ururka Al-Shabaab ayaa war kasoo baxay ku sheegay in weerarkaas ay ku dileen 17 askari American ah iyo sagaal kale oo ka tirsanaa militeriga Kenya ee (KDF) magacooda loo soo gaabiyo.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ku burburiyeen weerarkaas todoba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo in ka badan shan gaari oo kuwa militeriga ah.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in qeybo badan oo saldhigga Simba ka mid ah ay gubeen, soo afjaridda weerarkaasna ciidamadii ku sugnaa saldhiga ay ku qaadatay in ka badan 10 saacadood oo xariir ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here