Mareykanka oo soo farogeliyey xiisadda dalalka Somalia iyo Kenya

farmaajo iyo uhuru

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in dowladda Mareykanka ay soo faro-gelisay xiisadda ka dhex oogan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, si loo qaboojiyo.

Wargeyska ayaa sheegay in taleefonkii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula hadlay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, si xiisadda loo dejiyo, uu ku yimid cadaadis ka yimid dowladda Mareykanka.

Maalin kadib markii Kenya ay Soomaaliya ku eedeysay inay kusoo duushay dhulkeeda, kuna xadgudubtay madax-banaanideeda, ayaa qoraal ay soo saartay Villa Somalia waxay ku sheegtay in Farmaajo iyo Uhuru oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay inuu ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ka helay xog ah in taleefonka madaxweyne Farmaajo kula hadlay Uhuru uu yimid kaliya markii dowladda Mareykanka ay soo faro-gelisay xiisadda.

Xiisadda labada dal ayaa sii korortay kadib markii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ay Isniintii ku dagaalameen magaalada Beled Xaawo ee xuduudda ku taalla, markaasi kadib oo ciidamada Jubaland ay u carareen dhanka magaalada Mandhera.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo ee Soomaaliya Cusmaan Nuur Xaaji ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyey inay dagaalka ka qeyb-galaan islamarkaana ay madaafiic kusoo garaaceen Beled Xaawo.

Hase yeeshee, kenya ayaa ku jawaabtay qoraal ay ku sheegtay in ciidamada Soomaaliya “ay soo galeen dalkeeda, ayaga oo ku xadgudbaya madax-banaanideeda, ayna burburiyeen hanti ay leeyihiin shacabka Kenya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here