Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyntii Shabeellaha Hoose

AFRICOM Gen Thomas D Waldhauser

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa war saxaafadeed ka soo saaray duqeyn ay shalay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa ka kala dhacday deegaanka Kuunyo Barrow iyo Caliyow Barrow oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoo lagu dilay illaa afar dagaalame ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay saraakiil sare ku jiraan.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddex duqeyn oo ay labo goobood ka fuliyeen ay ku burburiyeen labo gaari, waxaana labo ka mid ah duqeynta ka dhacday Kuunyo Barrow, halka duqeynta 3aad ay ka dhacday Tuulada Caliyow Barrow.

Duqeymahan ayaa yimid maalin kaddib qarax weyn oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, inkastoo mas’uuliyadda qaraxaas aanay sheegan Al-Shabaab, hadana waxaa la sheegayaa in ficilka iyo calaamadaha qaraxyadaas ay yihiin kuwii Al-Shabaab soo abaabuli jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here