Mas’uuliyiinta Mandhera oo ka dalbaday C/rashiid Janan iyo ciidankiisa inay si degdeg uga baxaan

Masuuliyiinta Mandhera

Xildhibaanada, Senatarada iyo Mas’uuliyiinta Ismaamulka Gobolka Mandhera ee Gobolka waqooyi Bari Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay ka saarto magaalada Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo dhowaan ka soo baxsaday dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo uu wato.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doorto Gobolka Mandhera ayaa sheegay in aysan u dulqaadan karin in dhibaato amni uu ka dhaco deegaanka, waxaana ay ugu baaqeen in C/rashiid Janan iyo ciidankiisa sida degdeg ah uga baxaan magaalada.

Senatada iyo Xildhibaanada ayaa sheegay in C/rashiid Janan iyo Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ay degan yihiin hotel ku yaalla Mandhera, ayna hub ula soo galeen, deegaankana qalqal ka wadaan, haddii aanay is dhiibeynin ay isaga baxaan deegaanka Mandhera.

Guddoomiyaha Mandhera Cali Roba ayaa sheegay in Ciidamadii ay dowladda federaalka u soo dirtay Gobolka Gedo ee la wareegay Beledxaawo iyo Doolow ay keentay in ciidankii iyo maamulkii Jubbaland ay soo galeen Mandhera, isla markaana aanay diyaar u aheyn iska hor imaad iyo in dhibaato la gaarsiiyo dadka jiiraanka ay yihiin.

“Dadkii Maamulka u haayay Jubbaland oo laga soo bixiyay Doolow iyo Beledxaawo waxay soo galeen Mandhera oo qeyb ka mid ah ayay degan yihiin, anagoo rabin dowladda dhexe ee Kenya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ka socda inaan faragelino faragelin waxaa na saaran mas’uuliyadda shacabka iyo amniga reer Mandhera iyo umadda kale ee jiiraanka nahay amniga aan ku noolnahay nala noolaadaan ma rabno meeshaas in dhib ka dhaco”ayuu yiri Cali Roba.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in C/rashiid Janan uu ciidan hub wata la soo galay Mandhera, waxaa uu ugu baaqay dowladda Kenya inay hubka ka dhigto oo loola macaamilo qaxooti ahaan haddii si qaxooti ahaan isa soo dhiibaan oo meel la dejiyo, wixii loo qaban lahaa loo qabto, haddii kalena ay sida degdeg uga guuraan

“Dadkaas hubeysan ma rabno inay hubkooda Beledxaawo u sii jeediyaan ama kuwa Beledxaawo u soo jeediyaan Mandhera, taasoo dhib u keeni karta shacabka aan mas’uulka ka nahay, uma dulqaadan karno hal naf uu dhib soo gaaro, mana ogolaan karno gacan ma siineyno”ayuu yiri Cali Roba oo intaa ku daray in dowladda Kenya ay si degdeg ah uga saarto deegaanka Ciidamada uu wato C/rashiid Janan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Mas’uuliyiinta iyo maamulka magaalada aysan raalli ka aheyn in xasillooni daro iyo dhibaato ka dhacdo xuduuda iyo deegaanada labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here