Maxaa sababay in Xoogaga Nabad iyo Nolol ay baraha Bulshada qabsadaan

nabad iyo nolol

Madaxweyne Farmaajo, Raiisul Wasaare Kheyre iyo Masuuliyiinta ugu sareeyaa Soomaaliya maaha kuwo inta badan waqti ku lumiya u jwaabista dadka dhaliila, waxay xoogooda saaraan waxqabad iyo wax toosin.

Laakiin waxaa jira kooxo kale oo aan Dawladda ka tirsaneyn oo intay kugu degaan qurub qurub kuu goosanaya oo godadkoodu kuu jiidanaya, kuwaas oo hoy ka dhigtay baraha Bulshada, qofka ama maamul Goboleedkii ay u arkaan inuu dawladda lugta jiidayo sidii raxan Yey ah (Wild dog) oo ugaadh heshay ayey nololsha ku cunayaan, run ahaantiina maaha dad dhaqaale isu keenay ee mabda ayey ka mideysan yihiin, waxay aaminsan yihiin inay yihiin dad sharaf leh oo qarankoodii burburay dhisaya.

Afku-Xoogleyaashani waa kuwii Madaxweyne Siciid Deni kaga yeersiiyey tolayeey Internet, Facebook ayaa Puntland laga soo weeraraye halaga dagaalamo, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariifna ay welwelka faraha badan ka muujiyeen, Ina Cabdi Shakuurna diinta ka saaray, Ina Cabdi Rashiid iyo rag la mid ahna fara ku gabad ka dhigay.

MAXAA SABABAY INAY DANEYSTE KASTA KA ADKAADAAN OO DADKA KA REEBAAN?

Jamaahiirtani waxay isticmaalaan hal ku dhigyo, muddo dheer Soomaalidu baahi u qabtay oo u boholyowday sida NABAD IYO NOLOL, MIDNIMO, DAWLAD DHEXE OO AWOOD BADAN, QARANIMO IYO SHARAF, CADAALAD, intaas wixii ka baxsan waa qabiilkii iyo qudhunkii lagu burburay, qofkii ka soo horjeestana uma harin hal-ku-dhig soo jiidasho leh oo dad kala duwani ku raaci karaan, waxaana si fudud looga dheehanayaa ama ku si foobayaa qabiil ama shisheeye u adeegaye.

Mida labaad ee wax weyn u sahashay ayaa ah dadka Dawlada ka soo horjeeda oo ah dad horey loo soo tijaabiyey oo iin wada leh, sida mid bad gaday, mid dumar gaday, mid shisheeyey iyo wadamo ku calaamadsan cadowga Soomaaliya u adeegaya. Weli lama arag Mucaaridka oo Dawladda iyo Dalka la safanaya, marka laga reebo ururo dhowr ah oo uu ka mid yahay RAIISUL WASAARIHII HORE CALI MAXAMED GEEDI.

Kooxahan oo magacyo qurux badan la baxay sida Gurmad Qaran, Xooggaga Wadaniyiinta, Badbaado Qaran, Nabad iyo Nolol waxay quutaan guusha Dawladda, Tusaale ahaan 2 February waxaa la doortay Madaxweyne Qoor Qoor, 3-dii bisha way isku hambalyeynayeen, 4-tii February waxay u ahayd maalin kale oo cusub kadib markii Baraha Bulshadda la soo dhigay Ciidankii Soomaaliya oo Magaalooyinka Xuduuda Gobolka Gedo gucle ku dhexmaraya shacabkuna caleemo qoyan ku soo dhoweynayaan, ciidamadaas oo aan magacyo qabiil sidan balse sita magacyada Xirfadooda sida HARIMCAD, GORGOR, DANAB, DARAAWIISH IWM.

Awoodda Dhalinyarada ku soo wareegaysa iyo Ciidamada Quruxda badan ee maalin walba soo muuqanaya ayaa saameyn ku yeeshay guusha kooxdan iyo qalbiga shacabka Soomaaliyeed, sawirka hoose waa ninka gacanta ku haya boos halbowle u ah rajada ummadda Soomaaliyeed, waa Taliyaha Xoogga Soomaaliyeed Generaal Odawaa oo boqolaal Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gorgor soo dhoweynaya, waa dhamigiisu waa soo celinta Libaaxyadii Africa, waa dhalinyaro lagu dayan karo.

komandoos gorgor ururka4 2

Hoos ka daawo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo isagu ka duwan Generaal Odawaa wuxuu marayaa Mudulood iyo in Soomaaliya dib loogu celiyo xiligii Cabdilaahi Yuusuf iyo shir dib u heshiineed iyo shirbeeleedyo hor leh.

Tani Gabadh Mudulood ah oo cagta marisay Cali Mahdi, Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif, diidana in lagu Awr kacsado, una sheegaysa in Dawladu dhaqaaqday oo aan cidla loo joojinayn.

Gabar Caqli Badan Oo Runta U Sheegtey. #Mudulood iyo Cali Mahdi #SoomaaliNimoBaaNadeeqo#share

Slået op af TVGA Arrimaha Bulshada. Somalia i Søndag den 23. februar 2020

Sawirka hoose waa Madaxweyne Farmaajo oo saxiixaya sharciga Doorashada qof iyo codkiis, wuxuu niyadjab ku riday Maamulgoboleedyada Dawladda diidan iyo kuwa diidan in dadku awoodooda dib loogu celiyo, arintani waxay kuu cadeynaysaa sida loo kala fogyahay ama loo kala mabda wanaagsan yahay.

saxiix sharciga doorashada dfs1

Kuwan hoose waa Madaxweyneyaal hore iyo xubno mucaarid iyo Xisbiyo sheeganaya, maalin walba Dawladda ayey eedeeyaan, xaalkoodu wuxuu gaaray yaan deynta nalaga dhaafin, xunaqabateynta nalaga qaadin, Kenya iyo Imaaraadka anagaa ka gardaran, rajadoodii waxay quus noqotay markii awooddii shacabka loo celiyey oo doorashada qof iyo cod laga dhigay, degaan Soomaaliyeed oo looga codeynayaa ma jirto, rajada u dhimani waa inay isku dayaan kicin qabiil.

mucaaridka soomaaliya

Hoos waxaa yaalo labo barnaamij oo uu soo diyaariyey Cabdirisaaq Terra oo ka mid ah dadka loogu daawashada badan yahay, oo isagu kuwan sare ka duwan, wuxuu aaminsan yahay in Dawladdu wax badan qabatay, labadan Video wuxuu kaga hadlayaa dhismaha Ciidamada iyo isbedelka lagu sameeyey, iyo guulaha gaaray.

Kuwan hoose waa da’yar cusub oo aan laga filayn inay qayb ka noqdaan muusanowga midnimaddda Soomaaliyeed, dhowaan ayey baraha ka soo muuqdeen, maskaxdooduna taageerayaal badan bay soo jiidanaysaa.

Shacabku way ka daaleen, Sheekooyinka 100ka qof ka taajireen. Dhalintani waa reer Burco oo waa Hal-abuurkii ugu magaca dheeraa qaarkood.Jiil walba cimrigoodu waa 60 sannadood, dhalinta Somaliland Cimrigoodi 30 sannadood haday SNM siiyeen, maanta maalin uguma darayaan.

Slået op af Abdirisaq Terra i Torsdag den 23. januar 2020

Inkasta maalin walba ay dadkii burburka qabiilka ku ciidamiyey ay leeyihiin Dawladda waan ridaynaa, haddana Dawladnimadda, nabadgelyada iyo horumarku waa sii xoogeysanayaa, Sawiradan hoose waa xuskii 100 guuridii duqayntii iyo Burburinta halgankii daraawiishta oo Caasimadda Soomaaliya laga xusayo, taasi waxay ku tusaysaa inaan shacabku dheg u jalaqsiinaynin daneysteyaal la soo tijaabiyey, taasoo ka mid ah guulaha iyo halganka xooggaga baraha Bulshada ee Dawlada garab taagan, kuwaas oo ah mashiin awood badan oo meeshii ay diiradda saaran ruxmayso, waxaana hubaal ah in Dawladu ay dhawaaqooda dhegaysato ama uu si deg deg u gaaro, waxaana maalin walba soo badaneysa isku kalsoonida iyo hankoodu ku aadan inay dalkoodii oo burburay dib u dhisayaan, waxayna ku sii socdaan heer ay ku hadaaqaan in qofkii ay danta dalka u arkaan la doorto ama Dawladan 2 Sano oo ay wax badan ku qabato loogu daro, xisaabta kuma darsadaan Beel Caalam iyo cadaadiskii Dawladiii hore la kulmi jireen.

Image may contain: one or more people, sky, cloud and outdoor
Image may contain: one or more people, wedding, sky and outdoor
Image may contain: 5 people
Image may contain: 2 people, outdoor
Image may contain: 6 people, people smiling, people standing
Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here