Maxamed Qanyare Afrax oo maanta Muqdisho ku geeriyooday

maxamed qanyare afrax

Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hoggaamiye koxeedyadii Muqdisho ayaa goor-dhaw ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, halkaasoo dhawaan la dhigay, kaddib markii uu lasoo darsay xanuun daran.

Ehellada marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geeridiisa, waxaana lagu wadaa in isla maanta la aaso, waxaana hoggaamiyahan geeriyooday uu la il-darnaa xanuun tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Qanyare, ayaa wuxuu soo noqday xildhibaan iyo wasiir, isagoo muddo dambe ku wareejiyay xilkiisa xildhibaannimo wiil uu dhalay oo lagu magacaabo, C/weli Maxamed Qanyare oo illaa haatan ku jira baarlamaanka Somalia.

Marxuumka ayaa wuxuu ifka uga tagay tiro caruur ah, waxaana uu kaalin weyn kasoo qaatay isbedelladii siyaasadeed ee dalka ka dhacay, isagoo mar ka mid ahaa gacan-yarayaashii Jen. Caydiid oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu awoodda badnaa ee Xamar soo maray.

Dhawr jeer ayaa Qanyare caafimaad ahaan loogu qaaday dalka dibaddiisa, balse xaaladdiisa caafimaad ayay waxba iska beddeli waayeen taasoo keentay in dib loogu soo celiyo dalka, isagoo maanta ku geeriyooday Xamar.

Hoggaamiyahan dunida faarujiyay ayaa waxaa xarun weyn u ahayd Degmada Dayniile oo dulleedka Muqdisho ku taalla, waxaana uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii la baxay argagaxiso la dirirka, inkastoo markii dambe looga awood roonaaday isaga iyo hoggaamiyeyaal kale dagaalkii ay la galeen Maxkamadihii Islaamka.

Madaxda Dowladda Somalia iyo maamulada dalka ayaan weli ka hadlin geerida ku timid Maxamed Qnyare Afrax oo si weyn looga yaqaan dalka iyo dibaddiisa, ahaana hoggaamiye awood badan ku leh Muqdisho.

Ugu dambeyn, Wixii ka dambeeyay markii awoodda laga maroorsaday hoggaamiye kooxeedyadii uu ka mid ahaa Qanyare wuxuu isku bedelay oday qunyar socod ah, isagoo ku ekaa inta badan hoygiisa iyo goobaha ay xubnaha dowladdu isugu tagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here