Maxay ka dhigan tahay in markabku uu calan dal kale ku goosho?

calanka uk

Iiran ayaa toddobaadkii hore qabsatay markabka xamuulka qaada ee Stena Impero, kaas oo sitay calanka Ingiriiska – balse waxaa markabkaas lahayd shirkad dalka Sweden laga leeyahay mana saarnayn wax muwaadiniin ah oo u dhashay Ingiriiska.

Waa arrin iska caadi ah in maraakiibtu ay ku gooshaan calan dal kale oo aan ahayn kan dalkooda.

Balse maxaa sidaas loo yeelaa, yaase faa’iido ku qaba?

Maxay ka midaysan yihiin Liberia, panama, iyo jasiiradaha Marshall?

Markab kasta oo ganacsi waxaa khasab ku ah in uu dal ka diiwaan gashan yahay, isla mar kaasna uu calan sito.

Maraakiibta ku gooshta calanka aan ahayn kan dalkooda, ayaa tagi kara dalal kale oo aan dalkooda ahayn ayadoon la eegayn jinsiyadda cidda iska leh markabkaas.

Qaadashada calan kale ayaa leh xeerar adag oo ku saabsan cidda iska leh ama ku hawl geli karta markaakiibtaas.

Panama, jasiiradaha Marshall iyo Liberia ayaana ugu badan dalalka ay maraakiibtoodu sitaan calamo aanay lahayn.

Waxaana jira 1,300 oo markab oo Ingiriiska ka diiwaangashan.

Maxaad ku falaysaa calan aan kaaga ahayn?

Milkiileyaasha maraakiibta ayaa doorta dalka ay calankiisa qaadanayaan arrimo ganacsi awgood.

Waxaana arrimahaas ka mid ah, canshuurta, sharciyada, iyo tayada adeegyada, sida uu sheegay Ioannis Chapsos oo ku xeeldheer maaxidda badda.

Waxuu tusaale u soo qaatay Giriigga – oo leh maraakiibta caalamka ugu badan. Qaar badan oo ka mid ah maraakiibtaas kuma gooshaan calankiisa, sababtuna waa ayaga oo ka baqanaya in canshuur fara badan laga qaado.

Dhanka kalena, dawladaha calamadaas leh, ayaa lacag ka sameeya, gaar ahaan kuwa saboolka ah.

Doonyaha ka diiwaangashan dalka Panama ayaa malaayiin dollar soo geliyo dhaqaalaha dalkooda.

Sharciga ayaa u oggolaanaya in meeshii ay doonaan caalamka ay ka qaadan karaan shaqaale oo maraakiibta uga shaqeeya, oo mushaar jaban ugu shaqeeya.

Nidaamka loo yaqaan “flags of convenience” oo ah in markabku uu qaadan karo calan dal kale oo uu ka diiwaangashan yahay, ayaa lagu dhaliilaa in uu dhibaato ku yahay sharciyada caalamiga ah ee badda.

Balse isu socodka maraakiibta ayaa guud ahaan soo hagaagay soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Simon Bennett, oo ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee maraakiibta (ICS), ayaa sheegaya in mulkiileyaasha maraakiibtu ay ku door bidaan in ay calamo dal kale qaataan sababo la xidhiidha sumcadda dalka ay calankiisa qaadanayaan, iyo in ay tagi karaan dekedda ay doonaan.

Yaa masuul ka ah?

Qaadashada calanka ka dib, waxaa markabkaas lagula xisaabtayaa shuruucda u taalla dalka uu calankiisa qaatay, dal kastana waxa uu masuul ka yahay maraakiibta calankiisa ku goosha.

XOGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here