Maxay tahay sababta gabdhaha Suudaan mar labaad loo gudo?

aroos suudaan

Barnaamijkeenna taxanaha ah ee Warqadaha ay soo diraan Wariyeyaasha Afrika, waxaan kusoo qaadaneynaa sheeko ay soo dirtay Zeynab Maxamed Saalix, taasoo ay ku eegeyso dhaqanka kusii kordhaya waddanka Suudaan ee ku saabsan in haweenka “mar labaad la gudo”.

Qaar ka mid ah dumarka reer Suudaan ayaa doonaya inay maraan gudniinka loo yaqaanno (FGM) marka ay bil ama labo bilood ka harsan yihiin xilliga la guursanayo, iyagoo ujeeddadooduna ay tahay inay iska dhigaan gabdho bikro ah.

Arrintan waxay dhacdaa iyadoo xitaa badankood horay loo guday markii ay gabdhaha yar yar ahaayeen – gudniinkaas oo ah mid sida caadada ah hablaha lagu sameeyo marka ay da’doodu u dhaxeyso 4 ilaa 10 sano.

Waddankan Muslimka ah ayaa gudniinka waxa uu bulshada dhexdeeda ka yahay mid khasab ah, oo ka mid ah dhaqanna la wada raaco.

Ujeeddada gudniinkaas laga leeyahay ayaa ah in lagu ilaaliyo bikrada gabdhaha, taasoo burburta marka ay galmo sameeyaan.

Haweenka guurka isku diyaarinaya ee gudniinka raba hadda waxaa qalliinka noocaas ah ku sameeya dhakhaatiir umilisooyin ah.

‘Maalmo ma socon karin’

.
Haween badan ayaa gudniin isku sameeya marka uu soo dhawaado arooskooda

“Waa xaalad aad u xanuun badan waxaana ku khasbanaa inaan maalmo joogo guri ay saaxiibaddey leedahay ilaa inta aan ka bogsoonayay, sababtoo ah ma rabin inay hooyadey ogaato”, ayey tiri gabar nala hadashay oo aan u bixinay magaca Maha, kaasoo aan ahayn magaceeda saxda ah. Macageeda waxaan u qarinay si aan loo fahmin qofka ay tahay.

“Kaadida wey i dhibeysay, mana awoodi karin inaan socdo dhowrkii maalmood ee ugu horreysay”.

Maha waxaa lagu sameeyay qalliin xilli ay labo bilood ka harsanaayeen wakhtiga arooskeeda uu dhacayay. Waxaa guursanayay nin xoogaa yar ka da’ weyn iyada.

“Waligiis ima uusan aamini lahayn, igumana kalsoonaan lahayn haddii uu ogaan lahaa inaan galmo soo sameeyay guurka ka hor”, ayey tiri.

“Wuxuu iga mamnuuci lahaa inaan bannaanka u baxo ama aan telefoon isticmaalo”.

Gabadhan dhowr iyo labaatan jirka ah oo jaamacad kasoo qalinjabisay waxay kasoo jeeddaa gobol ku yaalla waqooyiga Suudaan, halkaasoo gudniinka uu mamnuuc ka yahay.

Maxaad kala socotaa dhibaatooyinka gudniinka fircooniga?

Laakiin caadada gudniinka ayaa si weyn looga dhaqmaa waddanka Suudaan.

87% ka mid ah haweenka dalkaas ee ay da’doodu u dhaxeyso 14 ilaa 49 waa la soo guday, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Iyadoo ay sidaas jirto, Maha waxay ka shaqeysaa magaalada caasimadda ah ee Khartuum – halkaasoo aan wali laga mamnuucin gudniinka. Balse waxay dooratay inay gobolkeeda tagto si ay u aaddo umiliso gurigeeda ku gudda.

Waxay taqaannaa umulisada ka oggolaatay arrintaas, oo qaadaneysa lacag dhan 5,000 oo giniga Suudaan ah una dhiganta (Qiyaastii $110; £85).

Kharashkaas ayaa ah midka caadiga ah ee lagu gudo gabdhaha.

Dr Sawsan Said, oo ah dhakhtarad ku takhasustay arrimaha caafimaadka haweenka, islamarkaana u ol’oleysa ciribtirka gudniinka, ayaa tiri: “Isbaddal kasta oo lagu sameeyo xubnaha taranka ee dumarka waa gudniin, ha ahaado mid dib bikrada loogu dhisayo ama mid xubnaha qaar lagu jarayo”.

Ma jiro nooc ka mid ah gudniinka oo sharci ahaan loo oggol yahay in lagu sameeyo isbitaallada Suudaan, xitaa gudaha Khartuum, maadaama aysan arrintaas oggoleyn golaha caafimaadka ee dalkaas.

Shaqada ayaa laga eryayaa umiliso kasta oo lagu helo fal noocaas ah, qalabkana waa laga qaadayaa.

Haddana sidaas oo ay tahay saddex isbitaal oo ay booqatay wariye Zeynab, umulisooyinku way ku faraxsanaayeen inay iyada lafteeda u soo bandhigaan noocyo gudniin ah oo loo sameyn karo.

Ma xilli cusub baa la galay?

Wakhti dheer ayey qaadaneysaa in fikirkaas gabi ahaanba la cirib tiro, gaar ahaan in laga baabi’iyo bulshooyinka asal raaca ah.

“Waxaan rajeynayaa in xaaskeyga mustaqbalka ay noqoto bikro”, sidaas waxaa yiri nin dhalinyaro ah oo isagoo Khartuum jooga u warramay Zeynab, wuxuuna sheegay in haddii ay bikro ahaan weyso uu uga shakin lahaa inay niman kale gogol dhaaf la sameyso.

Shir ku saabsan ka hortagga gudniinka fircooniga oo lagu soo gabagabeeyay Puntland

Ragga ayaa u muuqda kuwo fikir ahaan aaminsan inaysan guursan karin haweeney aan bikro ahayn, taasoo dad badan ay u arkaan sababta haweenka ku khasbeysa inay mar labaad gudniin isku sameeyaan.

Ururada u ol’oleeya ciribtirka gudniinka waxay rajo ka leeyihiin in mar uun lasoo afjari doono cadadaas oo ay u arkaan mid qallafsan.

Bishii lasoo dhaafay waddanka Suudaan waxaa laga baabi’iyay sharci adag oo dul yaallay shacabka, kaasoo qeyb ka mid ah uu haweenka ka mamnuucayay inay labisyada qaar ku baxaan, sida inay surwaal xirtaan.

XIGASHO: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here