Maxkamadda caalamiga ah oo shaaca ka qaaday goorta la dhageysan doono doodda dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa qoraal ay soo saartay shaaca uga qaaday goorta si rasmi ah loo dhageysan doono doodda dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda ay dhici doonto 9-ka illaa 13-ka bisha Sepetmber ee sanadkan.

Dhageysiga ayaa ka kooban laba wareeg. Wareegga koowaad ayaa la qaban doonaa 9-ka iyo 11-ka September. 9-ka oo ku beegan Isniin waxaa doodda leh Soomaaliya, halka 11-ka oo arbaco ay leedahay Kenya.

Wareegga labaad ee dhageysiga dacwadda ayaa dhici doona 12-ka iyo 13-ka September. 12-ka oo ku beegan khamiis waxaa hadli doonaa Soomaaliya, halka 13-ka oo Jimco ah ay hadalka leedahay Kenya.

Goaanka kama dambeysta ah ee maxkamadda ayaa la filayaa inuu soo dabayaaqada sanadkan.

Akhriso qoraalka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here