Mooshin ciidamada Kenya looga saarayo Somalia oo la horgeynayo baarlamanka

aqalka baarlamaanka somalia

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaano uu ka mid yahay ay wadaan mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya.

Iyadoo dhawaan la furay kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay xildhibaan Dalxa in fadhiyadooda ugu horeeya ay baarlamaanka hor geyn doonaan mooshinka ka dhanka ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta Wasaaradda ayaa u dhiibay qoraal ay Soomaaliya kaga cabaneyso Xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October, 2019, diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, iyadoo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shalay ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ee NFD.

Wafdigan ka socda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku yimid diyaarad yar oo nooca Focker ah, waxaana ay toos ugu yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya taaso mar kale noqoneyso inay Kenya jabisay Xayiraadii Dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa xumaa waayihii dambe, iyadoo khilaafka ugu weyn uu ka taaganyahay kiiska badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dacwadiisa ay Soomaaliya geysay madaxkadda ICJ, wallow ay shan sano kadib wali Kenya ku dadaaleyso in kiiskaas lagu xaliyo wadahadal.

Sidoo kale ciidamada cirka Kenya ayaa duqeyn lagu beegsado shacab iyo xoolo Soomaaliyeed waxa ay si joogto ah uga geystaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here