Mowqifka Khilaafka badda iyo arrimihii ay isla meel dhigeen Farmaajo iyo Uhuru

farmaajo iyo uhuru

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxa ay shir jaraa’id si wadajir ah ugu faah-faahiyeen qodobbada ay iskula meel dhigeen wadahadal ay ku yeesheen magaalada Nairobi.

Waxay sheegeen inay shirkooda iskula meel dhigeen afar qodob oo muhiim ah, kuwaaoo khuseeya arrimo hareeyay khilaafkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay labada dal.

Afarta qodob ee ay Farmaajo iyo Kenyatta hoosta ka wada xariiqeen ayaa kala ahaa: 1- Soo celinta iyo xoojinta xiriirkii labada dal, 2- Dib u howlgalinta duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, 3- In saraakiisha dowladda Soomaaliya fasaxa dal ku galka lagu siiyo gudaha Nairobi iyo 4- In Kiiska khilaafka badda ee yaalla maxkamadda ICJ uusan saameyn ku yeelanin xiriirka labada dal.

Wadahadal mira-dhalay

Madaxweynaha Kenya, oo marti loo ahaa ayaa billaabay hadalka wuxuuna yiri: “Waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan walaalkey Farmaajo uga mahadceliyo oggolaanshihiisa caasuumaaddii aan u fidinnay ee ahayd inuu nagala qeyb galo shir-weynihii tirakoobka dadka ee hadda soo idlaaday. Waxaan maalmihii uu shirkaas socday helnay fursad aan isku aragno walaalkey ugana wadahadalno arrimo la xiriira labadeenna dal, waxaana ku khasbanahay inaan u mahadceliyo walaalkey, sababtoo ah waxaan yeelannay wadahadallo mira-dhalay. Arrinta ugu muhiimsanna waa inaan isku fahannay in uusan jirin nooc xiriir oo ka wanaagsan kan ka dhaxeeya dadka dariska ah, ee darisnimada aan ku noqonin dookhooda balse uu Alle u gartay. Sidaas awgeedna waxaa muhiim noo ah inaan annagoo ah dad isku gobol ah darisna ah isla markaana wadaaga dhaqanno badan oo isku mid ah mar walba xaqiijinno inuu xiriirkeennu si joogto ah u ahaado midka ugu wanaagsan. Nasiib darro dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay waxaa na dhex yaallay arrimo wax u dhimay xiriirkeenna, laakiin maanta waxaan isku waafaqnay aniga iyo walaalkey inaan u baahan nahay inaan sidii caadiga ahayd kusoo celinno xiriirkeenna”.

.
Uhuru iyo Farmaajo ayaa isku afgartay qodobbo dhowr ah

Kenyatta ayaa intaas ku daray in isaga iyo Farmaajo ay isku raaceen in hadda wixii ka dambeeya ay ka wada shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaaf walba oo soo kala dhex gala.

“Waxaan isla meel dhignay in muddo isbuuc gudaheed ah dib loo soo celiyo duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi. Dhammaan arrimihii kale ee uu Farmaajo ii sheegayna waan eegi doonnaa qaarkoodna wax waa laga qaban doonaa, waana sii wadi doonnaa wadahadalladeenna”, ayuu yiri madaxweynaha Kenya.

Farmaajo oo caddeeyay mowqifka kiiska badda

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagana dhiggiisa Kenya uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay iyo sida uu Mr Kenyatta diyaar ugu yahay inuu dhawaan booqdo madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inuu rajeynayo booqasho uu ku tago magaalada Muqdisho

Waxaa kale oo uu uga mahad celiyay dowladda Kenya kaalinta ay ku leedahay howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) iyo martigalinta ay Kenya u sameysay kumannaanka qaxootiga Soomaalida ah.

“Kenya iyo Soomaaliya waxay sameeyeen xiriir dhow oo taariikhi ah oo ku dhisan xushmad sare iyo wadasinnaan, taasna mar walba waan ka mahadnaqi doonnaa. Sida aad sheegtayba, waxaan ka wadahadalnay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in dib loo soo celiyo duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, meeshana laga saaro hakadkii Wajeer, waana ka mahadcelineynaa runtii, Waxaan sidoo kale isku waafaqnay in dal-ku-galka lagu bixiyo xilliga imaanshaha, gaar ahaan shaqaalaheenna dowladda ee halkan u yimaada howlaha dowladda. Arrimo badan ayaan ka siman nahay, dadkuna badanaa ma eegaan waxyaabaha aan isku midka ka nahay ee waxay diiradda saaraan waxyaabaha aan ku kla duwan nahay. sidaas darteedna waxaan kuu ballan qaadayaa in arrinta ku saabsan kiiska badda ee ICJ aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirkeenna labada dal, labada dhinacna waan ka faa’iidi doonnaa wadashaqeynteenna”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaanayay tan iyo markii uu soo xoogeystay khilaafka lahaanshaha xadka badda ee labada dal u dhaxeeya.

Kenya iyo Soomaaliya ayey mid walba ku doodeysaa inay leedahay qeyb ka mid ah biyaha oo ay ku jiraan kheyraad gaas dabiici ah.

Hase ahaatee, kiis dacwadeed oo ay Soomaaliya horgeysay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda(ICJ) ayaa la filayaa in go’aankiisa lasoo saaro sanadka soo socoda.

Xigasho BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here