Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyey

kheyre 2020

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxeyna aheyd soo dhaweyn heer sare ah.

Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya ayaa aad looga hadal hayay maalmahii lasoo dhaafay imaatinkiisa, waxaana garoonka diyaaradaha Aden Adde kusoo dhaweeyay xildhibaano, wasiiro, odayaasha dhaqanka iyo bulshada nuucyadeeda kala duwan.

isu imaatinka dadka waxey aheyd mid si weyn loo dareemay, iyadoo Xasan Cali Kheyre oo loo arko mid ka mid ah musahraxiinta ugu saameynta badan uu lug ku tagay hoyga laga wado olalahiisa doorashada oo aan sidaas uga fogeyn garoonka diyaaradaha.

Musharaxiin kale ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle, halka laga yaabo iney yimaadaan Cabdiraxmaan C/shakuur, C/qaadir Cosoble iyo Xuseen Cabdi Xalane.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa dib ugu soo noqoshadooda Muqdisho kadib olole ay dalalka dibadda ka wadeen waxaa lagu qeexay iney doonayaan saameyn ay ku yeeshaan guddiga doorashooyinka ay soo magacowday dowladda oo ay diidan yahiin.

Maalmaha soo socda, Muqdisho waxey martigalineysaa kulamo iyo xaalado siyaasadeed oo iska soo horjeeda, maadaama la guda galayo wakhtiga doorashada, sidoo kalana wali aan la isku raacin cidda maamuleysa doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here