Muuse Biixi oo ka laabtay go’aankii uu shalay ku dhowaaqay ee saldhigga Imaaraadka ee Berbera

madaxweyne muuse biixi

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markale ka hadlay arrinta madaarka Berbera oo uu sheegay inuu noqon doono mid ay adeegsadaan dadka shicibka, isla markaana uu kamid noqon doono garoomada aduunka ugu horumarsan.

Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in xukuumadiisu aysan marnaba ka bixin heshiiskii ay hore ula gashay dowladda Imaaraadka Carabta, balse laga maarmi waayey in garoonkii Berbera loo isticmaalo shicib ahaan.

Biixi ayaa si adag carabka ugu adkeeyay in heshiiskii ay hore u wada galeen dowlada Imaaraadka iyo Somaliland, uu sidiisi yahay, isla markaana aysan waxba iska badalin, heshiiskaasi oo mudadiisu aheyd shan iyo labaatan sanno.

Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa lagama maarmaan ayey noqotay in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan iyo diyaaradaha madaniga ah oo uu noqdo garoon caalamiya (International airport), heshiiskii aynu la galnay ee 25-ka sanno ahaana waa sidiisii, wax iskama bedelin ee sidiisii ayuu u yaalaa”.

Si kastaba, Madaxweyne Biixi ayaa shalay sheegay in garoonka Berbera aysan isticmaali doonin Millateri balse ay isticmaaali doonaan dad shicib ah, taasi oo ka dhigtay mid shaki galinaysa in xukuumadiisu ka baxday heshiiskii dowlada Imaaraadka carabta ee saldhigii Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here