Muxuu Trump xabsiga uga saarayaa siyaasiga xisbiga kasoo horjeeda ee Dimuqraaddiga?

trump2

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo gaabiyay xukun xabsi ah oo horay loogu riday barasaabkii hore ee gobolka Illinois, Rod Blagojevich, kaasoo horay loogu helay dambi ah inuu iibiyay kursigii xildhibaannimada aqalka Senate-ka ee uu banneeyay Barack Obama.

Laakiin maxay tahay sababta madaxweynaha kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga, ee wacadka ku maray inuu wiiqi doono xisbiga Dimuqraaddiga, uu hadda naxariista ugu muujinayo nin Dimuqraaddiga ka tirsanaa, oo dadka dhaleeceeya ay ku qeexeen qof ay siyaasaddiisa wasakhowday?

Xitaa xubnaha ka tirsan xisbiga madaxweynaha ee kasoo jeeda gobolka Illinois way cambaareeyeen go’aanka Mr Trump.

Ergada gobolkaas u qaabilsan xisbiga Jamhuuriga ayaa bayaan ay soo saareen ku yiri: “Blagojevich wuxuu astaan u yahay musuqmaasuqa gobolka Illinois mana jirto mar uu muujiyay inuu arrintaas ka xun yahay”.

Laakiin Trump dhag jalaq uma uusan siinin hadalkaas. “Kaani wuxuu ahaa hadal aad u awood badan, oo qallafsan”, ayuu yiri mar uu Talaadadii la hadlayay warbaahinta.

Blagojevich oo kaliya ma ahayn dadka ka faa’iideystay naxariista madaxweynaha uu sameeyay Talaadadii. Trump wuxuu sidoo kale cafis u fidiyay saddex qof oo kale oo caan ah, saaxiibbo awood badanna ku leh siyaasadda.

  • Bernie Kerik, oo ah sarkaal horay uga tirsanaa booliska magaalada New York, kaasoo qirtay dambi ku saabsan musuqmaasuq dhinaca canshuurta ah iyo dambiyo kale, xabsigana la dhigay sanadkii 2010-kii. Dadka caanka ah ee taageera waxaa ka mid ah Christopher Ruddy, oo ah madaxa Newsmax Media iyo xeer ilaaliyaha madaxweynaha Rudy Giuliani.
  • Michael Milken, oo ah dhaqaaleyahan soo caan baxay sanadihii 1980-meeyadii, laguna helay dambi musuqmaasuq ah. Dadka caanka ah ee garab taagnaa waxaa ka mid ah wariyaha Fox Maria Bartiromo.
  • Edward DeBartolo Jr, milkiilihii hore ee kooxda kubadda cagta ee San Francisco 49ers, kaasoo sanadkii 1998-kii qirtay dambi ku saabsan fadeexad khamaar ah. Dadka caanka ah ee taageera waxaa ka mid ah Baadariga reer Ohio, Darrell Scott iyo ciyaartoygii hore ee kooxda NFL, Jerry Rice
Presentational grey line

Xitaa ka hor inya uusan ku guuleysanin Aqalka Cad, Trump wuxuu taageero u muujin jiray Blagojevich, oo lagu helay dacwad musuqmaasuq ah.

Sanadkii 2008, wuxuu mas’uul ka ahaa magacaabista qofkii buuxin lahaa kursiga aqalka Senate-ka ee uu banneeyay Obama, kaddib markii madaxweynaha loo doortay.

Blagojevich, oo ah barasaab lasoo doortay labo jeer, yaa ka hadlay fursadda siyaasadeed, isagoo beeniyay inuu ka gacansaday kursiga Dimuqraaddiga.

“Hadda aniga ayey howl ii taallaa” ayuu yiri Blagojevich.

Barasaabkan ayaa lagu yaqaannay inuu jeclaa kasoo muuqashada warbaahinta, isagoo mar kasta shanlo gacanta ku wadan jiray.

Blagojevich, ayaa hadda ah 63 jir.

Kaddib markii lagu helay dambiga musuqmaasuqa ah, waxaa lagu xukumay 14 sano oo xarig ah.

Wakhtiga lasii deynayo wuxuu markii hore ku asteysnaa sanadka 2024-ka, laakiin waxaa soo faragaliyay madaxweyne Trump.

Ka hor inta aan xabsiga la dhigin sanadkii 2012-kii, Blagojevich wuxuu kasoo muuqday barnaamij TV oo uu lahaa Trump.

Markii la xiray hal sano oo ay dacwdadiisa socotay kaddib, Trump wuxuu sheegay inuu ka xumaaday.

Taageerada uu madaxweyne Trump u muujiyay Blagojevich waxaa laga dheehan karaa sida uusan ugu qanacsaneyn hannaanka caddaaladda ee waddanka.

Siyaasiga lasii daayay xaaskiisa ayaa sheegtay in tallaabada uu madaxweynaha qaaday ay gacan ka geysaneyso sidii uu seygeeda dib ugu soo dhisi lahaa taageeradiisa siyaasadeed.

Kooxda dacwad oogeyaasha ah ee gacanta ku hayay kiiska Mr Blagojevich ayaa sheegay in madaxweynaha uu awooddiisa adeegsaday sii deynta ninkan, “laakiin wali uu yahay qof dambiile ah oo lagu helay musuqmaasuq”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here