Muxuu yahay hubka Ruushka uu ku tijaabiyay cirifka dunida?

missile russia

Shan injineer oo u dhashay Ruushka, oo ka mid ahayd khubarada nukliyeerka oo ku dhintay qarax ka dhashay matoorka madfac wayn ayaa lagu aasay Sarov oo ah magaalo u dhow Moscow. Waa meesha lagu sameyo qeybta sare ee madaafiicda nukliyeerka.

Hay’adda qaran ee Ruushka u qaabilsan nukliyeerka Rosatom, waxay sheegtay in khubarada ay tijaabinayeen matoor laga sameeyay nukliyeer. Balse ma aysan bixin faafaahin dheeraad oo la xiriirta dhanka farsamada.

Ruushka wuxuu horey u tijaabiyay gujis ku shaqeeya tamarta nukliyeerka oo loo yaqaano “Burevestnik”.

Laakiin saraakiisha Ruushka ma aysan cadeyn hannaanka dhabta ah ee qeybta ka ahaa tijaabadii musiibada isu badashay ee Khamiistii.

Qaraxa waxaa ka dhashay shucaac halis ah oo hawada ku jiray muddo 30 daqiiqo ah kaas oo cabsi geliyay magaalada Severodvinsk oo 40km u jirta heerka tijaabada la sameeyay, waxayna saaran tahay Badda Cad.

Seddax injineero kale ayaa qaraxa ku dhaawacmay, waxaana hadda lagu daweynayaa cisbitaal, sida ay sheegtay hay’adda Rosatom.

Severodvinsk map

Khubarada ku sugan Ruushka iyo dalalka Reer Galbeedka waxay sheegayaan in tijaabada ay noqon karto gantaalka M730 Burevestnik, oo ah mid ku duuli kara biyaha badda hoostooda.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa madfacaas kaga hadlay khudbaddiisii Baarlamaanka ee bishii March 2018. NATO waxay siisay magaca ah SSC-X-9 Skyfall.

Mark Galeotti, oo ah falanqeeye iyo cilmi baare sare oo ka tirsnan machadka Royal United Services Institute (Rusi), wuxuu sheegay in fidinta nukliyeerka ay keeneyso caqabad weyn oo dhanka farsamada ah.

“Waxaa jiro xawaare iyo xajmi is ka soo horjeeda, iyo halista gantaal leh shucaac xawaare sare ku socda oo daalikara meel kaste ee uu gaaro,” ayuu u shegay BBC.

“Hannaankan cusub wuxuu asal ahaan ka yimid xilligii midowgii Soviet. Birihii daxaleystay ayaa la soo qaatay dib ayaana loo maalgeliyay.”

Sida uu sheegay Putin gantaalka meesha uu gaarayo “ma xadidna”. Balse qaraxa wuxuu noqon karaa hub kale oo awood u leh qaadidda madaxyada nukliyeerka:

  • Madfac rido dheer oo maraakiibta lagu rido oo loogu yeero Zircon – Wuxuu siddeed jibbaar xawaarihiisu ka dheereeyaa guuxa, sida militariga Ruushka laga soo xigtay.
  • Diyaarad duuliya la’aan ah oo meeelo fog oo biyaha badda hoostooda ah gaari karta oo lagu magacaabay Poseidon

Maxaa laga ogyahay qaraxa?

Shanta injineer ee dhimatay waa khubaro “hoggaan ah” iyo “geesiyaal” kuwaas oo ka warhayay halista. Waxay horey u sameeyeen tijaabooyiin “si xad dhaaf halis u ahaa”, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Rosatom oo lagu magacaabo Valentin Kostyukov.

Wuxuu madax ka yahay xarunta nukliyeerka ee Sarov – meel sir aheyd xilligii dagaalkii qaboobaa halkaas oo laga maamulayay hubka ka sameysan hydrogen ee Ruushka.

Markii hore, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhashay matoorka madfaca oo dareere ku shaqeeya, tirada dhimashadana waxay ku sheegeen laba qof.

Ka dib, Rosatom ayaa sheegtay in tijaabadu ay ahayd “isha ganidda shucaacyo isu dhigma” oo laga fuliyay meel gudaha badda ah.

Injineeradu way dhammeeyeen tijaabada, balse si lama filaan ah ayuu dab uga kacay matoorka wuuna qarxay, waxayna ragga ku dheceen badda, sida saraakiisha Rosatom ay sheegeen.

Nyonoksa test site hoarding, Oct 2018
Tijaabada Nyonoksa waxay soo billaabatay xilligii Soviet-ka

Waxaa jiro warar la isla dhexmarayo oo la xiriira in markab la geeyay goobta si uu uga hortago shucaac kastoo ka dhasha haraaga, haddii fashil uu dhaco, waxaana hadda muuqato in ay suuragal tahay in howshaas uun uu qabtay.

Balse waxaa dhici karta in meesha ay xireen ay ula jeedeen ka hortagga sun kastoo soo baxsata ee biyaha gasha, halkaas oo dadka deegaanka ay ka kalluumeystaan.

Gantaallada lagu xoojiyay nukliyeerka ma isbedel cusub baa?

Mark Galeotti oo ka tirsan machadka Rusi ayaa yiri: “Waxaa jiro shaki badan oo ah haddii Burevestnik uu mar uun arki doono iftiinka maalinta”.

Wuxuu qiray in gantaal kale oo Ruushka muhiim u ah, Bulava, “uu soo maray tijaabo sanado badan ah oo fashilantay”.

Madaafiicda Zircon iyo Poseidon waa mashaariic aad u horumarsan. Gantaalka Poseidon ee biyaha hoostooda ku duula waa tusaale weli.

Balse Poseidon, si la mid ah Burevestnik, wuxuu u muuqdaa in uu yahay “burburiye wayn”, Mr Galeotti ayaa sidaa sheegay. Waa arrin aan macquul ahayn, wax kastoo yar oo la xiriira dagaalka nukliyeerka.

Sarov nuclear museum, 1997 archive pic
Madxafka Sarov (Sawirka 1997)

Wargeyska dowladda Ruushka Rossiiskaya Gazeta ayaa bishii la soo dhaafay qoray warbixin uu madfaca ugu tilmaamay “hubka aargudashada”. Taasi waa oraahda ay Nazi-ga ugu yeeri jireen hubkii ay UK ku garaaceen Dagaalkii Labaad ee Dunida.

Wargeyska waxaa lagu qoray: “Burevestnik wuxuu awoodaa duullimaad dheer, wuxuuna ka baxsan karaa qalabka difaaca hawada. Waxaa lagu garaaci karaa horumar kastoo muhiim ah, ka dib gantaalkii Ruushka ee caagga ahaa ee qaaradaha isaga gudba ee horey u gaaray dhulka cadowga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here