Muxuu yahay murankan ku saabsan Trump iyo Ukraine?

trump joe hunter

Waxaa jiro khilaaf siyaasadeed cusub oo muran dhaliyay oo Mareykanka ka taagan – waxaa qeyb ka ah, Donald Trump, dad ajaaniib ah, su’aalaha iyo dhaqanka sharciga ah, iyo eedo siyaasadeed oo ka dhan ah dad ay ishayaan.

Arrintan waxayba u dhigantaa middii 2016-kii ee Ruushka iyo Trump oo xilligaas musharrax ahaa iyo Hilary Clinton, balse markan waa dal cusub (Ukraine) iyo dadkale oo cusub oo Trump ay ishayaan (Joe Biden iyo wiilkiisa Hunter).

Mr Trump weli wuxuu bartamaha ka yahay arrintan dabcan.

Way adagtahay in sheekadan lala socdo, balse waa kuwan qaar ka mid ah jawaabaha khilaafkan:

Maxay arrintan muhiim u tahay?

Dadka sida adag u dhalleeceeya Trump waxay ku eedeynayaan in uu awoodda xilka madaxweynaha u adeegsaday in uu ku handado Ukraine, si ay u soo saaraan macluumaad dhaawaca sumcadda ninka siyaasadda ay ku loollamayaan ee Joe Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraaddiga.

Hunter Biden looks on at his father at a World Food Program event in 2016

Dhanka kale, Mr Trump iyo taageerayaashiisa waxay madaxweyne ku xigeenkii hore ku eedeynayaan in awooddiisii uu si xun u adeegsaday si uu Ukraine ugu cadaadiyo in ay joojiso baaritaan dembi oo canuggiisa Hunter ka dhan ahaa.

Mr Biden waa musharraxa ugu cadcad ee Dimuquraadiga kaas oo doorashada sannadka soo socda foodda dari kara Donald Trump.

Si kale haddii loo dhaho, ma ahan wax ka yar in uu Aqalka Cad wajahayo khatar.

Maxaa sal u ah khilaafkan?

Donald Trump iyo dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky waxay ku wada hadleen telefoon, 25-kii bishii July ee sannadkan 2019.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa lagu eedeeyay in madaxweynaha Ukraine uu ku cadaadiyay in uu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mr Biden.

Mr Trump waxaa sidoo kale suuragal ah in uu kala hadlay $250 milyan oo dollar oo taageero militari ah oo Congress-ka ay u ansixiyeen Ukraine – Kaalmo uu maamulka Trump hakiyay siideynteeda illaa bartamihii Septmber ee sannadkan.

Wargeyska Washington Post iyo warbaahinta kale ee Mareykanka waxay sheegayaan in Trump uu ku simaha madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad u sheegay in ugu yaraan isbuuc dib loo dhigo kaalmada dhaqaalaha ah, isbuuc ka hor intuusan telefoonka dirin.

Trump ma xaqiijiyay ugu yaraan mid ka mid ah arrimahan?

Haa, si xaqiijin loo qaadan karo.

Trump wuxuu sheegay in uu kala hadlay Zelensky dhibaatada musuqmaasuqa iyo sidoo kale Biden iyo wiilkiisa Hunter iyo arrimo kale.

Wuxuu ahaa “wada sheekeysi aad u wanaagsan” oo qadka telefoonka ah – is wicitaan “wax ku ool ah”.

Crimea
Ukraine received widespread western backing after the annexation of Crimea by Russia in 2014

Mareykanka wuxuu taageeraa Ukraine “marka waa inaan xaqiijinno in dalkaas uu yahay daacad,” ayuu hadalka ku daray.

Bartiisa Twitter-ka wuxuu Trump si cad ugu sheegay in muranka ay billaabeen Dimuquraadiyiinta iyo “warbaahinta qalloocan”.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @realDonaldTrump

Donald J. Trump@realDonaldTrump

Now the Fake News Media says I “pressured the Ukrainian President at least 8 times during my telephone call with him.” This supposedly comes from a so-called “whistleblower” who they say doesn’t even have a first hand account of what was said. More Democrat/Crooked Media con…..77.9K3:03 AM – Sep 23, 2019Twitter Ads info and privacy30.4K people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @realDonaldTrump

Sidoo kale, wuxuu si dadban u su’aalay “u maleynta” kuwa iska dhigaya wadaniyiinta.

Ka gudub Twitter daabacaad 2 W.Q @realDonaldTrump

Donald J. Trump@realDonaldTrumpReplying to @realDonaldTrump

….know the correct facts. Is he on our Country’s side. Where does he come from. Is this all about Schiff & the Democrats again after years of being wrong?61.9K6:29 PM – Sep 23, 2019Twitter Ads info and privacy24.9K people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda 2 qore @realDonaldTrump

Maxay siyaasiyiinta kale ee Mareykanka ka dheheen arrintan?

Siyaasiyiinta Dimuquraadiga ee Congress-ka ka midka ah waxay sheegayaan wicitaanka telefoon – oo uu soo bandhigay qof gudbiyay dacwad aan toos ahayn – ay tahay muhiim, sababtoo ah waxay caawineysaa in la iftiimiyo heshiisyada uu madaxweynaha la galayo madaxda dalalka kale ee caalamka.

Dadka ka soo horjeeda waxay sheegayaan in Trump uu Zelensky uu ku cadaadiyay in uu baaritaan ku sameeyo ganacsi lala xiriirinayo Hunter Biden oo xubin uu ka yahay guddiga fulinta ee shirkad uu leeyahay masuul u dhashay Ukraine.

Waxay xisbiga Dimuquraadiga ku doodayaan in Trump uu doonayay in arrintaas uu wax ugu dhimo sumcadda Hunter iyo aabihiisa.

Xisbiga Jamhuuriga wax badan kama aysan dhihin arrinta. Taas waxay muujineysaa khilaafka ka dhashay arrinta taas oo xubnaha xisbiga aysan isku aragti ka ahayn, sida Washington Post ay qortay.

Balse, Mitt Romney, sanatar laga soo doortay Utah oo ka tirsan Jamhuuriga wuxuu sheegay in uu jeclaan lahaa in waxbadan uu ka ogaado.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @MittRomney

Mitt Romney@MittRomney

If the President asked or pressured Ukraine’s president to investigate his political rival, either directly or through his personal attorney, it would be troubling in the extreme. Critical for the facts to come out.57.1K9:34 PM – Sep 22, 2019Twitter Ads info and privacy46.6K people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @MittRomney

Maxaa ku dhacay cabashada uu soo gudbiyay qofka dacwooday?

Ka dib markii cabashada la gudbiyay, Taliyaha guud wuxuu wargeliyay Joseph Maguire, oo ah ku simaha agaasimaha guud ee Sirdoonka Qaran, wuxuuna u sheegay in arrinta ay tahay “degdeg”.

Sida uu qorayo sharciga Sirdoonka ee arrintan, agaasimaha guud wuxuu haystaa toddobo maalmood in uu cabashada ugu Gudbiyo guddiga Sirdoonka ee Congress-ka.

Taasi ma aysan dhicin haddaba.

Middaa bedelkeeda, Mr Maguire wuxuu la hadlay qareen u sheegay in arrinta aysan ahayn “degdeg”, marka ugu yaraan loo eego heerarka sharciga, sida ay ku warrantay the New York Times.

Natiijada middaa ka dhalatay waxay noqotay in Mr Maguire uu go’aansaday in Xubnaha Guddiga Sirdoonka Qaran aysan u baahneyn in ay arkaan.

9-kii September, Taliyaha Guud wuxuu cabashada ku wargeliyay Congress-ka, balse faahfaahin dheeraad ah ma uusan siin.

Dimuquraadiyiinta ka tirsan aqalka waxay ka dib billaabeen in ay macluumaad badan soo helaan – sida qoraalka telefoonka uu ku hadlay Trump – balse maamulka wuxuu diiday in uu arrintaas gacan ka geysto.

Halkaasna waa meesha ay arrinta ka cakiran tahay.

Mr Maguire waxaa loo ballamiyay inuu marqaati ka noqdo ee uu hortago Guddiga Sirdoonka, Khamiista soo socota, waxayna u badan tahay in xildhibaannada ay dalban doonaan in ay arkaan cabashada. Haddii taas ay shaqeyn waydo, Madaxa guddiga waxaa laga yaabaa inuu gudbiyo dacwad maxkamadeed, sida ay CNN daabacday.

Haddaba, madaxweynaha ma sameeyay arrin sharci daro ah?

Eedeynta ugu yaabka badan waxay tahay in madaxweynaha uu hoggaamiye ajnabi ah cadaadis ku saaray in uu ceebeeyo siyaasi mucaarad ku ah, isagoo taas u adeegsaday taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo dalkaas.

Taasi ma sharci daro baa? Waxaa jirto dhacdo mar dhow ahayd.

Waxay ahayd geba gebadii baaritaankii Robert Mueller ee suuragalnimada in Ololihii doorashada ee Trump uu xiriir la lahaa Ruushka – faragelintii 2016-koo.

Guddigii baaritaanka sameeyay waxay warbixintooda ku faahfaahiyeen xiriirro ka dhexeeyay ololaha iyo dad u dhashay Ruushka, sida kullan 2016-kii dhexmaray saraakiil sare, sida wiilka Donald Trump iyo dad Ruush ah oo ku xiran Aqalka dalkaas looga arrimiyo ee Kremlin.

Waxaa jiray dood ku saabsanayd in dal ajnabi ah lala xiriiro ay tahay ku xadgudbidda maalgelinta ololaha, balse Mr Mueller wuu diiday in uu Trump dacweeyo.

Telefoonka uu Ukraine u diray Trump wuxuu sidoo kale noqon karaa qalad cad oo ah ku xadgudbidda xeerka laaluushka ee Federaalka.

Guddiga gaarka ah waxay ku soo afjareen in tilmaamaha sharciga ee Waaxda Cadaaladda uu mamnuucayo in madaxweyne xilka haya la dacweeyo, balse haddii xitaa Trump uu galay dembi la xiriiri kara ficilkiisa, hadda wuu ka badbaadayaa in dacwad lagu oogo.

Iyadoo taas niyadda lagu hayo, su’aal middaa la xiriirta waxay noqon kartaa…

Trump ma galay dembi xilka looga qaadi karo?

Hannaanka dastuuriga ah ee wax ka qabashada madaxweyne geystay ficil sharci daro ah ama fal aan anshax ahayn waa baarlamaanka oo xilka ka qaado iyadoo aqlabiyadda la raacayo iyo in ay seddax-meeloo laba-meel oo ka mid ah sanatka ay codkooda u ridaan in xafiiska laga saaro.

Waxyaabaha sababi kara waxaa ka mid ah “Khiyaano qaran, laaluush ama dembi culus iyo marin habaabin”.

Tan iyo markii la soo bandhigay warbixintii Mueller, doodda xil ka qaadista waxay ka dhex socotay Dimuquraadiga – oo leh aqlabiyadda Aqalka Congress-ka.

Illaa iyo hadda, hoggaanka Dimuquraadiga ee Aqalka waxay cadaadinayaan baaritaan rasmi ah oo sababi kara in Trump xilka looga qaado mooshin cod loo qaaday.

Gudoomiyaha Aqalka, Nancy Pelosi, waxay soo jeedineysaa in tallaabo noocaas ah ay dhaawici karto mustaqbalka doorasho ee Dimuquraadiga, ugu dambeynna ay noqon karto mid aan micno lahayn sababtoo ah Jamhuuriga oo haysta Aqlabiyadda Sanatka uma codeyn doonaan in madaxweynaha xilka laga qaado.

Ka dib markii ay soo baxday arrinta Ukraine, qaar ka mid ah Dimuquraadiga waxay billaabeen in ay si cad uga hadlaan sida ay u doonayaan in ay mooshin xil ka qaadis ah ka gudbiyaan Donald Trump.

“Madaxweynaha wuxuu nagu sii riixiyaa waddadaas,” ayuu yiri Mr Schiff oo la hadlay CNN.

Ma jiraan wax ka jiro eedaha loo jeediyay Joe Biden iyo wiilkiisa?

Eedaha ka dhanka ah Biden iyo wiilkiisa waxay ku qasbeen Trump iyo qareenkiisa – maayarkii hore ee New York – Rudy Giuliani, bartamaha dadaallada guusha ee madaxweyne ku xigeenkii hore xilligii uu xilka hayay, in ay cadaadiyaan in dacwad oogaha Ukraine, Viktor Shokin sannadkii 2016.

Xafiiska Mr Shokin wuxuu masuul ka ahaa baaritaanka shirkadda gaaska ee Ukraine, Burisima Holdings, taas oo xilligaas uu mushaar ka helayay Hunter Biden, kaas oo illaa $50,000 oo dollar bishii ku heli jiray in uu xubin ka ahaado guddiga maamulka ee shirkadda.

Mr Trump, Mr Giuliani iyo kuwa kale ee sheegaya in xafiiskii Biden xilligii xilka madaxweyne ku xigeenka uu hayay, in cadaadiska uu ka mid ahaa hanjabaad ah in la hakin doono deynta $1 milyan oo doollar oo dowladda ay fasaxday, ay ahayd difaac dhab ah oo wiilkiisa iyo shirkadda uu uga badbaadinayay baaritaan dembi.

Former President Barack Obama sits with former Vice-President Joe Biden and his son Hunter at a basketball game in 2010
Madaxweyneihii hore Barack Obama, ku xigeenkiisii Joe Biden iyo wiilkiisa Hunter Biden.

Ma jirto caddeyn la soo bandhigay illaa iyo hadda oo muujineysa in Joe Biden uu ficil musuq ah sameeyay ama uu lug ku yeeshay shaqadii wiilkiisa ee Ukraine.

Si kastaba, dadka eedeeyay waxay aaminsan yihiin in xiriirka ay qoyska Biden ku lahaayeen Ukraine in ay muujineyso fikradda xun ee ah macquul ahaanshaha dano isdiidan in ay jireen.

Marka laga gudbo eedahaas, waxaa xaqiiqo ah in Mr Biden oo keli ah uusan ahayn siyaasiga keli ah ee dalbaday in xilka laga qaado mr Shokin. Waxaa jiro siyaasiyiin kale oo xil hayay oo ka soo kala jeeda dalalka Midowga Yurub iyo kuwa Ukraine u dhashay oo arrintaas cadaadinayay.

Sida uu wargeyska The New York Times dhowaan daabacay, dacwad ooganaha Ukraine “kama go’neyn” baaritaanka Burisima xilligaas, balse waxaa lagu eedeeyay inuu adeegsaday hanjabaad dacweyn ah si uu laaluush uga helo hoggaanka sare ee shirkadda.

Waxaa intaa dheer in ninkii badalay Mr Shokin ee ah Yuriy Lutsenko, uu baaritaanka sii waday 10 bilood oo kale, ka dibna uu meesha ka saaray dhammaan hannaanadii dacwadeed ee ka dhanka ahaa shirkaddaas.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here