New York Times: Shabaab waxay diyaarinayaan weerar la mid ah kii September 11

AFRICOM Gen Stephen Townsend

Wargeyska New York Times ee Mareykanka ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ay halis cusub oo aan horey loo arag ku tahay danaha Mareykanka ee Bariga Africa iyo gudaha Mareykanka.

Warbixin dheer oo wargeyska uu qoray ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay qorsheyneyso weerar la mid ah kii Al-Qacida ay sanaddii 2001 ka fulisay Mareykanka, ayada adeegsaneysa diyaarado.

Dhowaan, laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo baranayey habka loo duuliyo diyaaradaha ayaa lagu kala xiray dalka Philippines iyo dal kale oo African ah, oo aan la shaacin weli, sida ay saraakiil sirdoon u sheegeen New York Times.

Qofka lagu xiray Philippines oo la qabtay bishii July 2019, ayaa la sheegay inuu ahaa dagaal-yahan Shabaab ah oo kasoo jeeda dalka Kenya, kaasi oo dhiganayey iskuul lagu barto duulimaadka diyaaradaha.

Booliska Philippines ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Cholo Abdi Abdullahi la ogaaday inuu internet-ka ka raadinayey arrimo ay ka mid yihiin “sida loo afduubto diyaaradaha” iyo sida loo helo “dokumentiyo been abuur ah”.

Xariga labada qof ayaa saraakiisha Mareykanka xusuusiyey dhacdadii September 11, markaasi oo kuwa weerarka fuliyey ay bilo ka hor shirqoolkooda galeen iskuulo lagu barto duulimaadyada.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabab ay isku dayeyso inay hesho gantaallada lidka diyaaradaha oo Shiinaha uu sameeyey, si ay ula beegsadaan diyaardaha qumaatiga u kaca iyo kuwa kale ee Mareykanka ee Soomaaliya.

“Al-Shabaab waxay halis dhab ah ku tahay Soomaaliya, gobolka, beesha caalamka iyo xitaa dalka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa AFRICOM, Jeneral Stephen J. Townsend.

Sirdoonka Mareykanka iyo Reer Galbeedka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey in Al-Shabaab ay halis gelin karto shaqaalaha 3,500 ah ee Pentagon-ka Mareykanka uu ku leeyahay Jabuuti, iyo sidoo kale maraakiibta ku safarta marinka Baab Al-Mandab.

Hay’adda Sirdoonka Ciidamada Mareykanka ayaa Pentagon-ka u sheegtay in inkasta oo fursadda Al-Shabaab ay weerar uga fulin karto gudaha Mareykanka ay yar tahay, haddana kooxda ay caddeysay in qorshaheedu sidaas yahay.

Mid ka mid ah halisaha muuqda ayaa ah in Al-Shabaab ay adeegsato qaar ka mid ah dhallinyarada la xagjireeyey ee bulshooyinka Soomaalida Mareykanka ee ku nool magaalooyinka Minneapolis iyo Columbus .

Mid kale waxay noqon kartaa in duuliyayaasha ay Al-Shabaab tababareyso ee Bariga Africa ay qaarkood soo geli karaan Mareykanka, taasi oo ka adag sidii ay sameeyeen kuwii fuliyey weerarkii September 11 2001, balse weli dhici kartaa.

Si kastaba halista Al-Shabaab ay ku hayso Mareykanka, waxay hadda xooggeeda taallaa Bariga Africa, ayaa lagu yiri warbixinta.

Halistaas ayaa ku qasabtay in Jeneral Townsend uu bishii November abuuray unug gaar ah oo qaabilsan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabab oo gaaraya 100 askari, iyo taxliiliyayaal ay diiraddoodu tahay adkeynta amniga Soomaaliya iyo ka hor-tagga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here