Nin Al-Shabaab u farsameyn jiray qaraxyada oo la xukumay

muuse maxamed axmed

Maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka oo Axad ah xukun adag ku riday eedeysane Muuse Maxamed Axmed oo loo heysto ka mid ahaanshiyaha dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Ninkaan oo maxkamadeyntiisa ay soo martey heerar kala duwan ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inuu Al-Shabaab u farsameyn jiray qaraxyada nooca Bom F1, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka maxkamadda ayaa lagu sheegay in Muuse Maxamed Axmed oo wata Bom lagu dhex qariyay raashin nuuc dareeraha ka mid ah sanadkii hore ee 2019-kii  laga qabtay gudaha magaalada Marka, isagoo xilligaas u soo safrayey deegaanka Janaale.

Baaritaan dheer kadib hay’adda dambi baarista Booliska ee CID ayaan ninkaan ku wareejisay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida dabayaaqadii November sanadkii ina dhaafay, waxa ayna isku howleyn baarista kiiskiisa iyo eedeymaha loo soo jeediyey.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sidoo kale 15-kii February ee sanadkan dalbaday mudeynta kiiska ka dhanka ah eedeysane Muuse Maxamed Axmed, kaas oo markale dib loo dhageystay 24-kii February sanadkaan aynu ku guda jirno ee 2020-ka.

Inta ay socotay dooda Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa u sheegay garsoorayaasha in eedeysanaha uu isticmaalay dhagar aan laga maleysan karin isaga oo isku dhex milay raashin dareera ah iyo walxaha qarxa.

Dhankiisa qareenka u doodayey eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariisto, maadama uusan aqoon u laheyn waxyaabaha lagu soo qabtay.

Ugu dambeyn maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed Axmed 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dowladda Soomaalya, wuxuuna tilmaamay in xukunsanaha uu haysto fursad kale oo uu xukunka uga qaadan karo rafcaan, kadib muddo 30-cisha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here