Nin dalxiiseyaal ku tooriyeeyay magaalo ku taal dalka Urdun

dalxiiseyaal jordan

Nin tooray watay ayaa waxa uu magaalada Jerash ee dalka Urdun ku dhaawacay afar qof oo ajaaniba dalxiisayaal ah iyo afar qof oo dadka deegaanka ah.

Saddex qof oo u dhalatay dalka Mexico iyo Swiss u dhashay ayaa ka mid ah dadka dhaawacmay.

Mid ka mid ah dadka u dhashay Mexico iyo qof reer Urdun ah oo waday dalxiisayaasha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, wasiirka caafimaadka ayaa sidaasi sheegay.

Nin looga shakisan yahay inuu weerrarkaasi soo qaaday ayaa waxaa lagu xiray saldhig boolis oo aanan halkaas ka fogayn.

Jerash, ayaa waxaa ku yaal dhismooyin cajiib ah oo uu ka tegay maamulkii Roomaanka, waxa ayna goobahaas sanadkiiba soo jiitaan kumannaan dalxiisayaal ajaanib ah.

Muuqaallo la soo dihgay baraha bulshada ay ku wada xiriirto ayaa muujinaya haweeney dhulka taal oo dhiig baxaysa iyo mid kale oo fannaanadeeda uu dhiig ku yaal.

Wasiirka caafimaadka ee Urdun, Sacad Jaabir, ayaa waxa uu weriyayaasha u sheegay in muddo 15 daqiiqadood gudaheed ah dhammaan dadka dhaawacmay lagu geeyay isbitaal maxali ah. Dalxiisaha reer Mexico iyo qofkii hagayay ee reer Urdun ee ay soo gaareen dhaawacyada culus ayaa iyana waxaa la geeyay isbitaal kaas ka duwan oo waxaa lagu qaaday diyaarad qummaati u kacda, qalliin ayaana lagu sameeyay.

“Dhiiggii waa laga joojiyay, xaaladdana gacantaa lagu dhigay, labada qofna haatan xaaladoodu waa ay deggan tahay,” Mr Jaabir ayaa sidaasi sheegay.

Marco Junipero Serra, oo ah dalxiise Ameerikaan ah, ayaa waxa uu BBC-da u sheegay in qofka weerrarka fuliyay uu xirnaa dhar madow ah wajigana uu maasgaraati ku soo dabooshay.

People walk along the ruins of the ancient Roman city of Jerash
Qof hagayay dalxiisayaasha iyo askari ilaalo ahaa ayaa sidoo kale lagu dhaawacay dhacdadii Arbacadii

Qofka weerrarka soo qaaday ayaa waxa uu ka booday darbiga goobta loo dalxiis tago abaare 11:00 (9:00 GMT) waxa uuna bilaabay inuu si aan kala sooc lahayn dadka u tooriyeeyo, ayuu yiri Mr Serra.

Waxa uu ninkaasi sheegay in boolisku uusan goobtaasi xirin xilligii weerrarka oo weliba dadku xor ayey u ahaayeen inay ama baxaan ama soo galaan.

Mid ka mid ah dadka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Cali al-Agrabaawi, oo ah darawalka baskii ay ku safrayeen dalxiisayaasha. Isbitaalka magaalada Jerash ayuu weriyayaasha ugu sheegay in la tooriyeeyay mar uu iskudayay inuu ka hor istaago qofka weerrarka soo qaaday inuu gudaha u galo goob lagu qaxweeyo oo ay dalxiisayaal ka buuxeen.

Urdun ayaa waxaa loo arkaa dhul ammaan ah oo si weyn ugu tiirsan dalxiiska.

Sida uu sheegay guddiga maamula dalxiiska dalkaas, waxaa dalkaas ku yaal 21,000 oo goobood oo taariikhi ah.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here