Nin London bartamaheeda dad ku toorriyeeyay oo toogasho lagu dilay

police uk london

Tiro dad ah ayaa toorri lala dhacay, booliskuna waxay toogasho ku dileen nin, ka dib markii uu weerar maanta oo Jimce ah ka dhacay Buundada magaalada London.

Saraakiisha booliska ayaa shaaciyay in dhacdadan ay ahayd mid argagixiso ah.

Ninka falkaas geystay oo ku geeriyooday isla goobta ayaa la rumeysan yahay inuu xirnaa garan loo ekeysiiyay mid ay ku rakibanyihiin walxaha qarxa, oo laakiin been abuur ahaa, sida ay boolisku ku warrameen.

Wariye ka tirsan BBC-da oo goobtaas ku sugnaa ayaa sheegay inuu arkayay dadaal ka socday buundada dusheeda, halkaasoo dhowr qof ay isku dayayeen inay xakameeyaan hal nin.

Ka dib askar ka tirsan booliska ayaa si deg deg ah ku gaaray halkaas, waxayna ninka ku rideen dhowr rasaas ah, sida uu sheegay wariyaha.

Faahfaahinta ayaa wali isasoo tareysa, wuxuuna madaxa ciidanka la dagaallanka argagixisada ee UK, oo lagu magacaabo Neil Basu sheegay inay hadda si gaar ah u baarayaan ujeeddada ka dambeysay weerarkaas.

Wuxuu intaas ku daray in saacaddu markii ay ahayd 14:00 – xilliga London – booliska loogu yeeray toorriyeyn ka socotay meel u dhow buundada.

Armed police at the scene

Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana laga arkayay nin ay dad shacab ah dhulka ku muquuninayeen.

Nin kale oo dhar suud ah xirnaa ayaa la arkayay isagoo kasii cararaya ninka kale, waxaana sida muuqatay uu heystay toorri weyn.

Mr Basu ayaa shir jaraa’id oo uu warfidiyeenka u qabtay ku yiri: “Nin la tuhunsanaa ayey toogasho ku dileen ciidamo si gaar ah u hubeysan oo ka socday booliska magaalada London, waxaana idiin xaqiijin karaa in ninkaas uu ku dhintay isla goobta”.

Wuxuu dadka reer London ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhacdooyinka noocaas ah, ayna booliska si dhakhso ah ugu wargaliyaan wax kasta oo ay ka shakiyaan.

Xarunta tareennada ee ku taalla agagaarka buundada London ayaa la xiray mana jiro dhaqdhaqaaq tareen oo halkaas ka socoda wakhtixaadirkan.

Photo of the scene

Dad goob joogeyaal ahaa ayaa BBC-da uga warramay waxa ay arkeen.

Amanda Hunter, oo saarneyd bas halkaas marayay ayaa tiri: “Si lama filaan ah, gaarigii wuu istaagay dadkuna waxay sameynayeen dhaqdhaqaaq, anigana daaqadda ayaan ka eegay, waxaana markiiba arkay saddex askari oo ku ordaya ninka xaggiisa”.

“Waxay u muuqatay inuu wax gacanta ku heystay, ma hubo 100%, laakiin mid ka mid ah askartii ayaa toogtay”.

A map of the scene

Buundada London ayuu horay uga dhacay weerar kale oo khasaare dhimasho geystay.

3-dii bishii June ee sanadkii 2017-kii, weerar ka dhacay halkaas ayey ku dhinteen 8 ruux, halka tiro badanna ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa yimid xilli 4-tii bishan Novembar lagu dhawaaqay weerarradii argagixsada ee ka dhici jiray UK ay hoos u yara dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here