Nin qabrigii lagu aasi lahaa fiirsanayay 19 sano

qabuuro

19 sano kahor, Samson Mwongera waxa uu diyaariyay qabriyadii lagu kala aasi lahaa isaga iyo xaaskiisa, balse ugu dambeyn Sabtidii shalay ayaa iilka la dhigay.

Ninkan oo ku geeriyooday 77 sano ayaa howsha diyaarinta qabrigiisa guda galay isla markii uu howlab ka noqday shaqada ku dhawaad 20 sano kahor, isla meeshii uu sameystay ayaana lagu aasay.

Waxaa labada qabri oo gurigiisa ku dhex yaalla laga dhigay kuwo dhinaca isku haya, wuxuuna qorshuhu ahaa in ninkan iyo xaaskiisa kii hor geeriyooda qeybta hore lagu aaso, si kan kalena qeybta xigta loogu qoondeeyo.

Warqad uu qoray ganacsadahan sanadkii 2003-dii ayuu ku caddeeyay inta badan dardaarankii uu bixin lahaa ka hor inta uusan geeriyoonin iyo sida uu u qorsheeyay dhaxalkiisa, geeridiisa kaddib.

Arrintan ayey dad badan u arkeen rajo uu qabay Samson oo loo hirgaliyay geeridiisa ka dib, balse qaar ka mid ah qaraabadiisa ayaa fikrado kala duwan ka qabay halka dhab ahaantii ay ahayd in lagu aaso.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee beeshiisa ayaan soo dhaweynin fikraddiisa.

“Waxaan dooneynay in lagu aaso meesha uu aabihiis ku aasan yahay, laakiin markii uu isugu keen yeeray, uuna noo sheegay inuu doonayo in goobtan lagu aaso, waddo kale nooma furneyn oo aan ka ahayn inaan iska aqbalno”, sidaas waxaa warbaahinta ku yidhi Gibson Mureithi oo ah walaalkiis ka yar.

Xaaska ninka dhintay oo lagu magacaabo Eunice Mwongera ayaa sheegtay inay raali ka tahay go’aankaas.

“Markii la gaaray sannadguuradii arooskeenna ee 44-aad, wuxuu meel isugu keenay dhammaan carruurtiisa iyo xubnihii kale ee guud ahaan qoyska, markii uu arrinta u sheegayna dhammaantood wuxuu geeyay goobta uu qabriga ka qoday wuxuuna ku yidhi waa halkan meesha aan rabo in la igu aaso”.

Samson ayaa ka mid ahaa ganacsatada ismaamulka Isiolo ee dalka Kenya, sheekadiisana waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn u hadal haya warbaahinta Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here