Nin weerar fulin rabay oo caawa lagu toogtay Muqdisho

muqdisho diyrgrow erdogan3

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa salaadii makhrib kadib degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku toogtay nin hubeysan oo sida la sheegay weerar geysan rabay.

Ciidamada ayaa ninkaas ku dilay xaafada Maanaboliyo ee degmada Shibis, waxaana la sheegay in uu watay waxyaabaha qarxa.

Sawirro laga soo qaaday meydka ninka la dilay oo la baahiyey ayaa muujinaya Bambo gacmeed korka u saaran, taas oo saraakiisha ciidankii toogtay ay sheegeen in uu watay, weerarna uu ku fulin rabay.

Weli lama oga in qofkaas ay ciidamadu toogteen uu ka tirsanaa Al-Shabaab, balse dilal galbihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay ayey mas’uuliyadooda dusha u riteen Al-Shabaab.

Xalay salaadii makhrib kadib ayey aheyd markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay masjid ku yaalla xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan ku hor toogteen sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya, kana howlgelayey garoonka Aadan Cadde.

Dilka sarkaalkaas ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab.

Hase yeeshee galabtii ka horeysay ee Axadii todobaadkan ayey ciidamada ammaanku degmada Dharkenley ku toogteen laba nin oo hubeysanaa, kuwaas oo dil u geystay nin ganacsade ahaa inta aan la dilin ayagana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here