Ninkii dilay taliyihii guud ee milatariga Itoobiya oo la shaaciyay

Labo alifle mesafint tigabu

Waxaa la shaaciyay aqoonsiga ninkii lagu eedeeyay in uu toogashada ku dilay taliyihii guud ee ciidammada dalka Itoobiya jeneraal Seare Mekonnen iyo jeneraalka kale.

Labadaas nin ayaa Addis Ababa lagu dilay Sabtidii, iyadoo ay arrintaas dawladdu ku tilmaantay in ay qayb ka ahayd iskudaygii afgambi ee la sheegay in uu ka dhacay gobolka Amxaarada.

Axaddii ayay Dawladda Itoobiya sheegtay in dilka jeneraalka uu masuul ka ahaa waardiyihiisa, xabsi ayayna dhigtay.

Isniintii ayuu Endeshaw Tasew oo ah taliye booliis sheegay in waardiyihii dilka gaystay uu isna is dilay ka dib markii uu jeneraalka khaarajiyay.

Intaas ka dibna booliiska faderaalka ayaa raali galin bixiyay oo sheegay in waardiyuhu uu ku jiro isbitaal kana soo kabanayo dhaawacyo rasaas ka soo gaaray.

Telefeshinka dawladda ee ETV ayaa waardiyaha magaciisa ku sheegay Labo Alifle Mesafint Tigabu. Telefeshinka ayaana soo bandhigay sawirkiisa.

Labo Alifle Mesafint ayaa wali lagu dabiibayaa isbitaal, gaar ahaan qaybta la dhigo dadka aadka u liita isaga oo ammaankiisa aad loo sugayo, sida uu sheegay telefeshinka ETV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here