Ninkii walxaha qarxa ku xiray gaarigii ku qarxay Isgoyska Soobe oo gacanta lagu digay

gaari qarxay xamar

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya aya gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka dambeeyay qarax duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Zoobe ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhejiska waxaa gaarigiisa loogu xiray ruux la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, inkastoo ninkan ka badbaaday, balse waxaa ku dhaawacmay qof aaggaasi ka agdhawaa.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ninka gaariga ku xiray qaraxa uu qabashadiisa suura geliyay ninka is ka lahaa gaariga oo arkay qofka waxyaabaha qarxa gaarigiisa, waxaana uu eryaday isla markii uu waxyaabaha qarxa ku dhejiyay, iyadoo intii uu eryanayay uu gaariga qarxay.

Ciidamada Booliska oo goobta ka ag dhowaa ayaa u suura gashay inay qabtaan ninka waxyaabaha qarxay ku xiray gaariga intii la eryanayay.

Ninkan la qabtay ayaa markii dambe isagoo indhaha laga xiray oo gacmaha ka jeebeysan waxaa la saaray gaari Cabdi Bile oo ciidanka lahaayeen, iyadoo la geeyay mid ka mid ah xarumaha baaristasa Ciidamada ammaanka ku leeyihiin Muqdisho.

Mid kamid ah Saraakiisha baaristan wada ayaa laga soo xigtay in Wiilkan dhalinyarada ah ee la qabtay uu qirtay inuu gaariga qaraxa isaga ku xiray, wuxuuna tilmaamay in loo soo diray oo kaliya inuu qaraxa ku dhajiyo gawaarida Muraayadaha Madow leh oo badanaa ay isticmaalaan shaqsiyaadka dowladda u shaqeeya.

Ciidamada ammaanka ayaa mudooyinkan adkeeyay amniga Caasimadda, waxaana bishan gudahood gacanta lagu dhigay rag ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay badankood xilli ay isku dayayeen inay geystaan falal lid ku ah Ammaanka, si gaar ah qaraxyo iyo toogashooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here