NISA oo soo bandhigtay Shabaab xalay la qabtay isagoo weerar qorsheynayey

shabaab laqabtay

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa baahisay sawirka Nin ay Hay’adu sheegtay in la qabtay, isaga oo doonayey in uu bam gacmeed weerar ku geysto.

Ninkan oo NISA sheegin Magaciisa ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu doonayey in uu Bambo tuuro, hayeeshee Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA.

Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh ayaa lagu yiri”qoraalka NISA.

Nisa sidoo kale ma shaacin halka uu la damacsanaa weerarka Bam gacmeedka ahaa,balse ay sheegtay in howlgalka lagu qabtay Ninkaas uusan ka dhalan wax khasaaro ah.

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ay Barteeda twitter-ka ku baahineysay howlgallada ay fuliyaan ciidamada Amniga ee lagu soo qabto Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here