NISA oo soo bandhigtay shabakad Shabaab u qaabil-saneyd sameynta qaraxyada

walxaha qarxa2

Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa caawa magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay shabakad la sheegay inay qaraxyada u qaabil saneed Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo kasoo baxay hey’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgallo ay ciidanka ammaanku ka fuliyeen qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho lagu soo qabtay shabakad sameynta qaraxyada u qaabilsaneed Al-Shabaab.

Howlgalka lagu soo qabtay shabakaddan ayaa farriinta NISA lagu sheegay in uu dhacay intii u dhexeysay 26-kii ilaa 28 bishan Janaayo, waxaana lasoo bandhigay maadooyin la sheegay in laga sameynayey qaraxyada.

Sidoo kale NISA ayaa farriinta ay caawa ku baahisay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in soo qabashada shacakadaas ay ugu suurta gashay wada shaqeyn dhex martay laamaha ammaanka iyo shacabka Muqdisho

“Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan,  ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.Wada shaqaynta shacbka iyo  laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan” ayaa lagu yiri qoraalka caawa kasoo baxay hey’adda NISA.

Halkan ka Daawo muuqaalka kooban ee NISA baahisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here