Odayaasha beelaha dega Galmudug oo qaatay go’aan cad oo ka kooban 4 qodob

calanka galmudug

Odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug oo caawa shir iskugu yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saareen kulankooda ku cadeeyay mowqifkooda dhismaha maamulka Galmudug.

Odayaasha beelaha Galmudug ayaa baaq u diray dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca, iyagoo war-murtiyeedkooda ku soo koobay afar qodob oo mowqifkooda ah.

Go’aanka hoggaanka dhaqanka beelaha Galmudug oo lagu cadeeyay warqadda ka soo baxday ayaa u dhignaa sidaan:

1).Waxaan isla garanay in aan ugu baaqno dowladda federaalka iyo Culimaa’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda ka soo cusboonaaday.

2).Waxaan sidoo kale xusuusinaynaa in dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna uusan midkoodna sharci iyo awood u laheyn in 35 xildhibaan oo ka mid ah 89-kii baarlamaanka Galmudug uu sheegay Sheikh Shaakir in ASW ay kula heshiisay dowladda federaalka in ay iyagu soo xulaan.

3).Hoggaanka dhaqanka beelaha Galmudug waxay dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca uga digayaan in ay isku dayaan in si sharci darro ah loo kor dhiyo tirada lambarkii baarlamaanka Galmudug si aan loogu xad judbin awood qeybsiga beelaha Galmudug.

4).Waxaan dowladda federaalka ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u howl galiso guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug, si Galmudug ay uga baxdo xaaladda adag oo ay ku sugneyd sanadihii lasoo dhaafay.

Ugu dameyntii hoggaanka dhaqanka ayaa sheegay in iyaga ay masuuliyadi ka saarantahay dib u dhiska Galmudug iyo xaqiijinta hormarka bulshada ku wada nool deegaanada Galmudug.

Halkaan ka akhriso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here