Odayaasha saxiixay xildhibaanada Galmudug ayaa ugu goodiyay xildhibaanada Ahlu Sunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug in ay badali doonaan haddii ay kusoo xaroon waayaan muddo 12 saacadood ah.
Odayaashaan oo kulan ku yeeshay xarunta Gudigga doorashada ee Shiirkole ee Dhuusomareeb ayaa saxaafadda u sheegey in Xildhibaanada Ahlu-Sunna ay ugu baaqayaan soo xaadirida xaruntaasi mudo 12-saac ah gudahood , haddii aysan soo xaadirinna ay ku bedili doonaan Xildhibaano kale sida ay hadalka u dhigeen.
Odayaashaan ayaa wadahaddallo saacado badan qaaatay la yeeshay wasaaradda arrimaha Gudaha, waxayna gunaanadka kulankooda soo saareen baaq ay u direen 20-ka Xildhibaan ee ka soo galay dhanka Ahlu Sunna Waljamaaca.
Saacado ka hor ayey aheyd markii Xildhibaanada garabka Ahlu Sunna ay soo saareen jadwalka doorasho kale oo ka dhici doonto Dhuusamareeb, waxayna taas muujineysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda u dhaxeyso labada garab.