Odowaa oo amray in lasoo xareeyo askarta ilaalada gaarka u ah shakhsiyaadka

Gen Odawaa Yuusuf Raage

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa amar ku bixiyey in lasoo xareeyo ciidamada haya “shaqooyinka leexsan” ama ilaalada u ah shaqsiyaadka gaarka ah.

Warqad 14-kii bishan kasoo baxday Odowaa ayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka xoogga dalka lagu faray in ay soo xareeyaan dhamaan ciidamada taliskan uga maqan shaqooyinka leexsan maadaama sida lagu sheegay warqadda ay taliska ciidanka xoogga dalka hor taallo shaqo adag.

“Dhamaan taliyaasha XDS, taliyaasha qeybaha XDS, taliyaasha kuliyadaha iyo dugsiyada tababarka XDS iyo taliyaasha colalka madaxa banaan XDS, waxaa la farayaa laga bilaabo 14-03-2020, in ay si degdeg ah u soo xareeyaan istaafyada ciidanka XDS ee shaqo leexsan ku maqan, maadaama taliska ciidanka xoogga dalka ay horyaalaan shaqooyin adag si ay u gutaan xilka iyo waajibaadka ka saran difaaca qaranka” ayaa lagu yiri warqadda.

“Sidaas darteed dhamaan meelaha ay warqadani ku socoto waxaa lagu adkeynayaa in ay xaqiijiyaan fulinta amarka kor ku xusan”.

Ugu dambeyntii warqadan kasoo baxday taliska guud ee ciidanka xoogga dalka ayaa lagu yiri, “Qeybtii aan sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo xareynin askarta uga maqan ‘shaqo leexsan’ waxaa laga qaadi doonaa tallaabo ku haboon oo sharciga waafaqsan”.

Hoos ka aqriso qoraalka Odowaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here