Puntland ha raaligeliso DF, M Goboleedyada, umadda Soomaaliyeed iyo shacabka SSC

madaxweyne siciid deni3

Maanta Umadda Soomaaliyeed waxaa u cadaatay sababtii ay SSDF u dagaalantay, WAXAY DIIDEEN DADKIINA DHINAC KA RAACA, SAD -BURSIINYONA MA JIRO.

Caqliga Garoowe yaala ee 60 sano ee xoriyada Soomaali dhibayey waa caqliga Warmurtiyeedkii la ogaa intuu soo saaray, hadana leh Soomaali baanu shir u qabanaynaa, waa caqliga halka sano Madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed Aflagaadeynayey, waa caqliga garanwaayey ka aamus shacab Galmudug ee mudada dheer isjiid jiidka ku jiray maamul ha loo dhisee, waa caqliga ku caano shubay nin isboqray (Axmed Madoobe) oo haddana Madaxweynihii Soomaaliya hortooda Kenya ku cayday oo u qoslay, waa caqliga aan caasimadiisii (Mugadisho) weli tegin oo maalin walba ku sii socda Caasimadihii Cadowga Soomaaliyeed oo Dawladiisii la shirqoolaya, waa caqliga shirkii Wadatashiga isla soo taagay Puntland Barwaaqo ayey ku jirtaa, iyadoo la ogsoon yahay in Dhulka ay sheegato 2 Gobol iyo badh maqan yihiin arintaas oo ku tiikh-tiikhsi iyo gef ku ahayd shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn.

GAROOWE MOW QALANTAA MEEL UMAD SOOMAALIYEED ISUGU TIMAADO?

Jawaabta oo koobani waa maya, waana cay, riyo-maalmeed, aflagaado iyo isla weyni aan xigmad ku dhisnayn in dadkii shalay wixii la ogaa shirkii Wadatashiga Puntland ka soo saaray ay maanta la soo gole-joogsadaan wanaag baanu wadnaa oo Soomaali baanu isugu yeeraynaa, weliba meeshii Soomaali lagu ilhaaneeyey ha laysugu yimaado. PUNTLAND SIDAY U SOCOTO TALO LAGA MARTIYI-MAAYO EE CAQLI AY SOOMAALI KU RAACDO HALA TIMAADO, Dawladda Soomaaliya waajib ayaa ka saaran inay shacabka Puntland ka dulqaado cidkasta oo caqabad ku noqota horumarkooda.

PUNTLAND MAXAA LA GUDBOON?

Puntland waxaa la gudboon inay go’doonka siyaasadeed ee ay is gelisay iska saarto oo ay raaligelin ka bixiso khaladaadkii ay ka gashay Qaranka Soomaaliyeed, Maamul Goboleedyada, guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, haddii ay sidaas sameyn waayaana waxaa dhici doonto in siyaasi Puntland ka soo jeeda aan 50 sano ee soo socda lagu aamini DOONIN hogaaminta wadanka Soomaaliya.

SICIID DENI MAXAA LA GUDBOON?

Runtii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni waa ka baaqsaday hankii iyo rajadii Umadda soomaaliyeed ku qabtay, wuxuu dayacay fursad uu taariikhda kaga geli lahaa oday Soomaaliyeed oo dalka dhibtii ka saaray, xaqiiqdii maanta wuxuu la maqaam yahay ciyaalka dagaalada sokeeye ku garaadsaday sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Fiqi, Xildhibaan Mahad Salaad, kuwaas oo intay aroortii soo Indho-kuushaan wixii Dawladu qabato dhaliila oo aanay u kala soocnayn Qaranimada iyo Mucaaridnimadu.

DENI waxaa la gudboon inuu dib u tirtiro raadkii xumaa ee uu mudada sanadka ka badan hayey, oo intuu diyaarada Kismaayo ee qabiilaysan iska daayo deriskiisa Galmudug intuu Dhuusamareeb ugu tago u hambalyeeyo, kana tirtiro fekerka inaan Puntland raali ka ahayn maamul Galmudug ka tisqaada, sidoo kale la xiriiro Madaxdiisa Dawladda Soomaaliya, Koonfur Galbeed iyo hirshabeelle.

PUNTLAND MAANTA MA ISTAAHISHO IN SOOMAALIYI KU SHIRTO, MANA SOO NOQONAYAAN SHIRARKII GAROOWE 1 IYO GAROOWE 2, SHIRKA WAXAA KAGA HABOON OO IN ABAALMARIN LOO SIIYO AY WAAJIB TAHAY LAFTA-GAREEN IYO SHACABKA KOONFUR GALBEED AMA IN LAGU DHIIRIGELIYO QOOR QOOR IYO SHACABKA GALMUDUG.

Dawladda Soomaaliya iyo Maamulgoboleedyada dalku waa in aanay ogolaan Shir Garoowe ka dhaca iyo hadimooyinka uu soo abaabulay cadowga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here