Puntland oo laga diiwaangeliyey Kiisas hor leh ee cudurka COVID-19

Coronavirus

Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus u qaabilsan maamul goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in 13 qofood oo laba ay dumar tahay laga helay xanuunka COVID19 kadib markii ay baaris ku sameeyeen 23-qofood.

Natiijada baaritaanka lagu sameeyay dadka looga shakiyay xanuunka ayaa soo baxday, taas oo sare u qaaday tirada guud ee kiisaska laga diiwaangaliyay deegaanada Puntland.

Sida qoraalka Guddiga kasoo baxay lagu xaqiijiyay saddex ka mid ah dadka xanuunka laga helay ayaa ku nool Magaalada Weeciye oo ka tirsan gobolka Bari halka 10-ka kale ay ku sugan yahiin xarunta Gobolka Nugaal ee Garowe.

Natiijooyinkaan soo baxay ayaa ka dhigan in tirada guud ee cudurkaan ay ka gaartay deegaanada Puntland 51-ruux, kaliya hal qof ayaa dhimasho u diiwaangashan halka qof kalana uu ka caafimaada.

Dr. Jaamac faarax Xassan oo ah wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland ayaa sheegay in deegaanada ay wasaaradiisa masuulka ka tahay uu si xawli ah ugu fidayo xanuunka, wuxuu kaloo qiray iney jiraan dad badan oo qaba xanuunka balse aan la ogeyn maadaama aan la marsiin baaritaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here