Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaasi fiidnimadii caawa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Nabad-Sugidda Puntland.
Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa Taliyihii ah Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa lagu dilay xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga Gaalkacyo.
Goob-joogayaal ku sugan gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in dilka Taliyahay ay fuliyeen laba nin oo bistoolado ku hubaysan kuwaasi oo goobta isaga cararay.
Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa qoraal ay ku faafiyeen warbaahinta taageertay waxay ku sheegteen mas’uuliyadda dilka loo gaystay Taliyihii ah Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland Gaashaanle Sare Xaashi Aadan.